Ma Somaliland Baa Somali Diid Ah, Mise Ninkii Gaagixiyey Ee Waliba Gudhiyey Wanaagii Iyo Walaalnimadii Aanu Ula Tagnay 1960kii Ayaa Somali Diid ah?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Somaliland Baa Somali Diid Ah, Mise Ninkii Gaagixiyey Ee Waliba Gudhiyey Wanaagii Iyo Walaalnimadii Aanu Ula Tagnay 1960kii Ayaa Somali Diid ah?.
June 24, 2018 - Written by Editor:

Waxa bilaabmay oo somalia Somaliland ku bilowday dagaal af iyo adinba isugu jira oo aan qarsoonayn aduunyada iyo aadamuhuna ay wada arkayaan oo cad.

Waxa aan maqalnaa ereyada ay ka mid ka yihiin somalidiid iyo wax la mid ah oo loola jeedo Somaliland iyo dadkeeda, haddaba su’aashu waxa ay tahay ma somaliland ayaa somali diid ah mise ninkii gaagigixiyey ee gudhiyey wanaagii iyo walaalnimadii ay Somaliland ula tageen iyaga oo ay hadafkooga iyo himiladoodu tahay shan somaliyeed oo calan qudha yeesha?

Halganadii gobanimo doonkii ee dadka reer Somaliland soo galeen waxa ay lahaayeen han iyo himilo fog oo somalinimo oo hal wadan ka dhigta dadka somalida ah ee walaalaha ah ee ku nool Bariga Africa.

Dedaaladaasi iyo halganadaasi markii lagu guuleystay ee gobanimadii laga qaatey gumeysigii cidii horseedka u ahayd somali oo midowdaa somaliland bay ahayd oo kalgacayl iyo walaalnimo raadis marka uga tuurey dawladnimadii iyo calankoogii ay ka qaateen ingiriiska 26 June 1960kii.

Somali oo mid noqota cid reer Somaliland ka jeclayd may jirin, imikana ma necbin ee hadii ay suurto galeyso marka ay 4ta kale soo midoobaan ha inoo ahaato.

Heesihii calanka loo qaadey iyo jaceylkii somalinimo ee dadka reer Somaliland ku jirey bal u fiirso erayan.

Dhaaxaan murugiyo

Haraad mudanoo

Maantay curatee

Aan maalno

Hasheena maandeeqeey.

Iyo

Shantoo is weheshataa wanagsaneyda

Calan in ay wadaagaan wacneydaa.

Suugaan badan iyo ficilba dadka reer Somaliland way galiyeen jacayl iyo somalinimo ay ku rabaan, imikana somali ma necbin ee ilaahay dhibta ha ka dulqaado iyo dagaalada iyo cunfiga, sidii wanaagsana Alle ha tuso.

Dhib iyo dhiig iyo dagaal wuu ina soo daashadey oo maanta waxa la joogaa maalintii laga fikiri lahaa waar maxaa dani inoogu jirtaa, Somaliland oo dagaal lagu qaado ma somalinimo ayaa ka dhalanaysa?

Waxa wanaagsan hadii aaney suurtagaleyn riyadii 5 tii somaliyeed ee la isla doonayey in mid waliba halka uu joogo loogu duceeyo, walaalnimo iyo wax isku ahaanta iyo somalinimaduna maaha wax xudoodo goynayaan ee dadku walaalo ayuun bay ahaanayaan.

Waxa aan Ku soo gunaanadayaa qoraalkeyga tuducyo ka mid ah gabey uu madaxweyne Mohamed Ibraahim Egal Ahn tiriyey wakhti uu xidhnaa oo ahaa;-

Walaalnimo ninkii diley haduu cabasho dayn waayo’

Xaajooyin duugaabay Oo daalay baa imane’

Waa lay damqayaaye In aan furo madoonaynee

Aan deg-dego daryeel Ii samee dheri dab aan saaro

Idalici hadana aan ku dilo Dabina kuu qoolo

Idaadihi aan gaax-darartey Dihini kuu maalo

Cadaawahana meeshaada Dagan daawo kula qaado

Waa laba dal oo kala fog Oon Daw isu lahayne

#Mohamed_hagi_ibraahim

 

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS