Ma laga Yaabaa In Hargeysina Bad Yeelato Oo Dumbuluq Laga Raaco Doonyaha? Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma laga Yaabaa In Hargeysina Bad Yeelato Oo Dumbuluq Laga Raaco Doonyaha? Cali Guray
June 22, 2018 - Written by Editor:

Jariidadda Makkah ee Sucuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in dalka Sucuudigu xadka uu la wadaago dalka Qatar ka dilaacinayo kanaal biyaha Badda ah kaas oo dabcan Qatar Jaziirad u rogaya marka Sucuudigu badd waraar ah ka jeexo xadka keliya ee dhinaca dhulka ee Qatar oo ah ka ay la wadaagto Sucuudiga. Mashruucan oo dhawr shirkadood ay u Tartami doonaan maalinta Isniinta 25/6/18 oo ay ku buuxdo qabashada araajida tartamayaashu ayaa waxa ku bixi doona wax ka yar 750 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Shirkadda ku guulaysta tartanka oo lagu dhawaaqi doono muddo sedex bilood ah gudahood ayaa iyadu markiiba hore ka bilaabi doonta shaqada.

sucuudiga

Dhererka Kanaalka ayaa gaadhaya 60Km halka balaciisuna yahay 200m. Dawladda Sucuudiga ayaa doonaysa in qodista kanaalka A-Salwa lagu dhamaystiro muddo hal sanad ah. Kanaalka ayaa ka soo kacaya 1.5Km xadka uu Sucuudigu la wadaago Qatar kaasoo loogu talogalay inu noqdo aag milatariga iyo ciidanka ilaalada xuduudaha gaar u ah.

cali-guray

Dawladda Sucuudiga ayaa doorbidaysa in aanay haba yaraato eh Qatar la wadaagin xuduud dhul taas oo laga yaabo inay tahay sababo la xidhiidha xaga amniga qaran ee dalkaasi maadaama Qatar ay la jirto dalka Iran oo Sucuudiga iyo dalalka carabta ee kale farogelin joogto ah ku haya qaarkoodna taladoodaba ay gacanta ku hayso sidii uu hore u yidhi Qaadim Al Sulaymaani “ hadda waxaynu ka talinaa afar caasimadood oo carbeed” isagoo u jeeday Baqdaad, Dimshiq, Bayruut, iyo Sanca

 

Caligurey

Hargeysa

COMMENTS
LINKS