|
|||||
WAJAALE NEWS
Kooxda Kubadda Cagta Ee Real Madrid Oo Ku Hawlan Sidii Ay U Heli Lahayd Tobobare Cusub Kadib Markii Uu Iska Casilay Xilkaasi Zinedine Zidane.
June 3, 2018 - Written by Wariye:
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Madrid, ayuu Zidane ku sheegay in kooxda ay u baahan tahay is-badal iyo jiho kale oo cusub, kadib saddex sano oo uu leylinayay. Zidane mudadaasi wuxuu qaaday saddex koob oo ah kan Yurub oo uu waliba isku xiriiriyey. Kiisi ugu danbeeyay wuxuu qaaday lix maalmood ka hor. Tababarayaal dhowr ah ayaa lala xiriirinayaa Real Madrid, waxaana ka mid ah macallinka kooxda Tottenham Mauricio Pochettino. Macalinkan da’da yar ayaa waxa uu toddobaadki hore saxiixay heshiis kordhin kale oo uu sannado kale kula sii joogayo Tottenham. Tababarayaasha kale ee ay Real indhaha ku heyso ayaa waxaa ka mid ah macalinka xulka Jarmalka Joachim Low iyo tababaraha hadda wata Chelsea Antonio Conte. Conte ayaa aad loo saadaalinayaa inuu ka tagayo kooxda toddobaadyada foodda nagu soo haya. Hargeisa Office Related posts:Wafti Dhakhaatiir Caafimaad Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Hargaysa Iyo Ujeedada Socdaa... DAAWO;-Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Sobobta Uu U Taageeray Musharax Barkhad Batuun Iyo Rajada Uu ... Komishanka Qaranka Somaliland Oo Saaka Amba Bixiyey Dhalinyaradii Ka Hawl Galayay Doorashada Madaxto... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|