Khilaafka Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Maraya Meel Xasaasiya, Iyo Masuul Katirsan D, Hoose Oo Xabsiga Loo Taxaabay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafka Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Maraya Meel Xasaasiya, Iyo Masuul Katirsan D, Hoose Oo Xabsiga Loo Taxaabay,
June 22, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W.N):- Tan Iyo Wakhtiigii Uu Madaxwaynaha Somaliland Muuse biixi cabdi la wareegay Talada dalka oo hada laga joogo Mudo lix bilood ah ayaa  waxa mudadaa uu xilka hayay khilaaf xoogani ka dhex bilowday Wasaarada Hawlaha Guud iyo Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa kaasi oo salka ku haya  gacan ku Haynta Dhulka Danta Guud  iyo qorshaynta Beeraha cusub, oo Intii Xukuumadihii soo maray  Somaliland ay maamulkeeda iyo qorshaynteeda gacanta ku hayeen dawladaha hoose ee dalka iyadoo ay ugu muhiimsan tahay dawlada hoose ee caasimadu.

hawlaha guud iyo dawlada hoose

Khilaafka ka dhex taagan dawlada hoose ee hargaysa iyo wasaarada Hawlaha guud oo mudo soo socday ayaa xiligan maraya in uu gaadho meel xasaasiya isla markaana laysku adeegsado awood ciidan iyo is qabsi toos ah.

khilaaf 11

Wasiirka hawlaha guud iyo xubno kamida wasaaradiisa oo wata ciidamado xoogan ayaa laba cisho ka hor waxay weerar ku qadeen goob ay dawlada hoose ka waday hawlo shaqo iyagoo halkaasi kasoo xidhay Agaasimaha   Qorshaynta iyo fidinta caasimada  ee Dawlada Hoose Khadar Xuseen cali “Khadar Bohosha” waxaana lagu xidhay saldhiga Daloodho ee magaalada hargaysa wallow dadka kale oo ka Agdhow hawshani ay noo sheegeen in loo badalay saldhiga XaafadaMaxamed Mooge , lamana oga sababta keentay in si deg deg ah loogu badalo saldhigii uu ku xidhaan masuulkani.

Murankan xoogane Ee u dhexeeya Wasaarada hawlaha guud iyo Dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa u muuqda mid khilaafkiisa ay jiraan Xubno Hurinaya iyo awooda qorsoon oo ku hirdamaya .

Mid kamida shaqaalaha Dawlada hoose oo ka Cudurdaartay In la Baahiyo Magaciisa ayaa noo sheegay in ay jiraan xubno wasaarada hawlaha guud kamida oo iyagu dabada ka wada khilaafkan doonaya in ay dawlada hoose xoog ku maquuniyaan iyadoo aanay jirin wax sharciya oo lagu kala baxay, waxana wararku intaa ku dareen in shaqsiyaadkani awood ka haystaan madaxtooyada .

Sikastaba ha Ahaatee khilaafkan Dawlada hoose iyo wasaarada hawlaha guud  oo markiisa horeba bilowgiisa ay keentay wareegto kasoo baxay madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi oo lagu sheegay in ay Dawlada dhulka uga masuul tahay wasaarada hawlaha guud iyadoon lagu sheegin wax kala xadaynaya ayaa xiligan maraya meel khilaafka labadan haayadood ee ka wada tirsan xukuumada Somaliland uu galay waji kale iyo isku adeegsi awooda dawladeed,

Mana aha markii ugu horeysay ee Shaqsiyaadkan Gaarka ah ee Ka Hawlgala Wasaarada Hawlaha Guud Ay Bixiyaan Amarka Xabsiga Loogu Taxaabayo Masuulkan Ka Tirsan Dalwada Hoose Hargeisa.

Waxaanay arintani fadeexad qaran ku tahay Dawlada Dhexe Somaliland oo tahli kari wayday in ay dhameyso khilaafkani

sidoo kale ay soo saarto sharci kala xadaynaya midkastaa heerka masuuliyadeed ee uu laayahay

Waxaana laga war sugi doonaa talaabada uu madaxwayne biixi ka qado. Dhacdan Xabsiga loogu taxaabay Agaasimihii Waaxda Qorshaynta Ee Dawlada Hoose Oo xadhigiisi Uu noqonayo  markii labaaad ee wasaarada hawlaha guud kula kacdo.

Wajaalenews desk

HARGAISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS