|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Xayiraadda Ka qaadday Telefiishano iyo Shabakadaha Internetka
June 22, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xannibnaa. Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha, Fistum Arega, ayaa sheegay in xorriyatul qowlka uu yahay xaq aasaasi ah, helitaanka xogtana ay tahay arrin lagama maarmaan ah. Arrintan ayaa astaan u ah isbeddello xoog leh oo dalka uu ka wado ra’iisal wasaaraha cusub, Abiy Ahmed. In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internetka, waxayna xidheen maxaddado TV, kuwaasoo loo arkay in ay afdheer yihiin. Related posts:Prof Siciid Sheekeeye Oo Ka Hadlay Wakhtiga Ugu Horeeye Ee Ay Somaliland Suurto Gal Tahay In Ay Ka Q... Agaasimaha Guud Wasaarada Maalgashiga Somaliland Oo Ka Warbixisay Safar Shaqo Oo Ay Ku Tagtay Dalka ... Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-Waris Oo Kulan Qado Sharafeed ah Ku Dalbatey Madaxdhaqameedk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|