Itoobiya oo qarka u Saaran inuu Waa Cusub u baryo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo qarka u Saaran inuu Waa Cusub u baryo
June 8, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (W,N)- Itoobiya waxay shaaca ka qaaday inay u hoggaansamayso heshiiskii sannadkii 2002-dii ee lagu doonayay in xal kama damabays ah lagaga gaadho dagaalladii xadka ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Afrika oo u dhexeeyay Itoobiya iyo Eritrea.

Kummanaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka 2 sano ka socday xadka labada dal. Eritrea waxay dalbanaysaa in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan deegaanka lagu muransan yahay.

Heshiiska ma dhab ayuu noqon doonaa?

Waxay u muuqata inuu noqon doono mid dhab ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka dhawaajiyay maalintii loo caleemo saarayay xilka bishii April in tallaabooyinka xukuumaddiisa ay noqon doonto ka shaqaynta xallinta kala duwanaanshaha u dhexeeyo labada dal islamarkaasna sheegay inay yihiin labo dal oo deris ah oo dadkiisuna ay isla dhasheen.

Hadda xisbiga ka arrimiyo dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa shaaca ka qaaday inay aqbalayaan heshiiska ayna ka shaqaynayaan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii 2002-dii looga gollahaa soo afjaridda dagaalka xadka.

Abiy Axmed wuxuu sheegay in ciidammada ku sugnaa magaalada lagu muransan yahay ee Badme ay soo wajahday xannuuno dhanka maskaxda ah, sida laga soo xigtay warbaahinta Fana ee taabacsan dowladda.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu yidhi” waa in aan soo afjarnaa dhibaatadan si aan dib ugu laabano dhabaha nabadda”

Hoggaamiyeyaashii soo maray dalka Itoobiya waxay horraan sheegeen inay aqbalayaan heshiiskii nabadda 2002-dii balse weligood ma aysan dhaqan gelinin.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya xilli dhawaan xabsiyada dalka Itoobiya laga soo daayay kummaanan siyaasiyiin, dadka u dooda bulshada rayidka iyo dibadbaxyaal oo uu kamid yahay Andargachew Tsege oo horraan xukun dil ah lagu riday.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu ballan qaaday inuu isbeddello ballaadhan ka hergelin doono dalkiisa.

Eritrea maxay ka tidhi?

Eritrea kama aysan hadlin hadalka kasoo yeedhay Itoobiya balse wasiirka warfaafinta dalkaasi Yemane Gebre Meskel ayaa mar sii horreysay sheegay in heshiiska uu dhaqan geli doono waa haddii Itoobiya ay ciidamadeeda ka saarto deegaannada lagu muransan yahay.

Dadka lagu khasbayo inay ku biiraan ciidammada waxay noqotay sababta ay kumanaan Eritrean ah inay dalkooda ka qaxaan si ay u galaan safar khatar ah ilaa dalalka Yurub.

  • 24 May 1993: Eritrean waxay xoriyadda ka qaadatay Itoobiya.
  • 6 May 1998: Dagaalkii xadka ayaa billaabmay.
  • 18 June 2000: Itoobiya iyo Eritrea waxay kala saxeexdeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
  • 12 December 2000: heshiiskii nabadda ee Algiers ayaa lakala saxeexday.
  • 13 April 2002: Guddigii u qaabilsanaa xadka Eritrea-Itoobiya ayaa ku go’aamiyay heshiis kama dambays ah.

Maxaa dhici kara marka?

Haddii Eritrea ay aqbasho heshiiska, tallaabada xigta waxay noqon doonta in saraakiil ka socota labada dal ay tegi doonaan goobta la yidhaahdo Badme si ay u kala saaran xadka labada dal.

Hadda suuro gal ma ahaa in goobtaasi la tego maadama deegaanka uu yahay goob militari.

Halka diiradda la saaraya ayaa ah magaalada Badme ee uu khilaafka ka taagan yahay inkastoo ay jiraan deeganno kale oo lagu muransan yahay.

Maxaa ka socda magaalada Badme?

Badme waa ku xoogan militariga, dhaqdhaqaaq bulshana kama jiro magaalada.

In ka badan 1000 qof ayay hoy u tahay magaalada, dhaqdhaqaaqa bulshada waa mid xaddidan.

Ciidamada Eritrea iyo Itoobiya ayaa isku hor fadhiya deegannada xadka oo uu dhexeeyo kaliya ah dhowr Kiiloomitir.

Dadka deegaanka waxay rajo ku qabaan in nabad halkaasi ay ka dhalato.

Waxay u muuqata in dalka Itoobiya ay ka dhacayaan isbaddallo ilaa markii uu xilka qabtay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Itoobiya waxaa horraan ka dhacay dibadbaxyo ay wadeen qowmiyadaha dalkaasi ugu waawayn taaso ku qasabtay ra’iisul wasarihii dalkaasi Haile Marian inuu xilka ka dego.

COMMENTS
LINKS