|
|||||
WAJAALE NEWS
Isbarbar dhiga Xukuumadihii Rayaale, Siilaanyo iyo golaha Madaxweyne Muuse Biixi & faraqa u dhaxeeya cugashada Sadexda Madaxweyne
June 14, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N)- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu talada qaranka Somaliland hayaa muddo ah 182 maalmood, oo si kale u dhiganta lix bilood. Madaxweyne Biixi wuxuu soo dhisay gole wasiiro oo ka kooban 32 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo wasiir-xigeeno, sidoo kalena agaasimayaal ayuu u magacaabay wasaaradahan. Waxa kale oo uu magacaabay qaar ka mid ah madaxda hay’adaha madaxa banana iyo kuwo kale ee qaranku leeyahay. Masuuliyiinta uu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay golihiisa wasiirada, ayaa u badan wejiyo ku cusub saaxadda siyaasadda oo qaarkood dhallinyaro yihiin, waana talaabo aanay dad badani ka filayn Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo u muuqda inuu doonayo inuu saaxadda siyaasadda Somaliland ku soo kordhiyo wejiyo cusub islamarkaana uu shaqada qaranka ku tijaabiyo dhiig cusub. Talaabadan, wuxuu Madaxweyne Biixi kaga duwanyahay labadii madaxweyne ee talada uga horeeyay oo uu mid ka mid ahi ku wareejiyay xilka. Madaxweyne Biixi wuxuu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee talada ku qabtay nidaam doorasho dimuqraadi ah, waxaanan halkan idiinku soo gudbin doonaa madaxweyne kasta iyo wasiiradii uu u magacaabay markii u horaysay ee xilka loo doortay. Daahir Rayaale Kaahin Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii loo doortay Madaxweynaha Somaliland sannadkii 2003, wuxuu soo dhisay gole wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen Edna Aden Ismaaciil, Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Xaaji Daahir Cilmi, wasiirka qorshaynta Dr. Maxamed Siciid Gees, wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirka arrimaha gudaha Cawil Cali Ducaale, wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Cabdillaahi Xuseen Iimaan, Wasiirka dib u dejinta Cabdillaahi Maxamed Ducaale, wasiirka warfaafinta Siciid Sulub Maxamed, wasiirka hawlaha guud Rashiid Xaaji Cabdillaahi, wasiirka ganacsiga Axmed-siilaanyo Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu sannadkii 2010 soo dhisay gole xukuumadeed oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiintani. Dr, Maxamed Cabdillaahi Cumar, wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, wasiirka arrimaha gudaha Dr. Axmed Xaashi Oday, wasiirka xanaanada xoolaha Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka maaliyadda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Samsam Cabdi Aadan, wasiirka waxbarashada Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, wasiirka caafimaadka Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), wasiirka warfaafinta Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka duulista iyo hawada Prof Ismaaciil Muumin Aare, Wasiirka cadaaladda Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, wasiirka diinta iyo awqaafta Xuseen Cali Ducaale, wasiirka macdanta iyo tamarta Madaxweyne Biixi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, doorashadii November 2017 markuu ku guulaystay wuxuu soo dhisay gole xukuumadeed oo ay tiradoodu tahay 32 xubnood, waxaana ay kala yihiin:
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
Wasaaradda Qorshaynta
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Gunaanad Haddaba Inkastoo ay kala duwanyihiin duruufihii madaxweynayaashaas hore iyo madaxweynaha wakhtigan talada haya, marka la eego wacyiga dhaqaale, siyaasadeed iyo dawladnimo ee jira, haddana farqiga u dhexeeya xukuumaddiisa iyo labadii ka horreeyey waa mid aan qarsoomi karin. Waxa ugu horreeya ee ka muuqanayaana uu yahay in labadii madaxweyne ee xilka uga horreeyeyba ay ka cugasho fiicnayeen, xukuumadihii ay bilowgii xilkooda dhiseenna ka tayo badnaayeen ta uu dhisay mudane Biixi. Arrintaas oo dabcan oo saamayn ku leh hawlaha laga sugayo madaxweyne Biixi oo ay ugu horreyso in uu wax ka qabto wada jirka umadda, dhaqaalaha iyo xidhiidhka dibadda oo ah saddexda nabar oo wax ka qabashadooda iyo ka qabasho la’aanteedu saamayn toos ah ku leedahay masiirka dawladnimo ee Somaliland. Waxaa muuqata in masuuliyiinta uu mudane Biixi u xushay in ay ka caawiyaan rumaynta qorshihiisii doorasho iyo wax ka qabashada arrimaha aynu kor ku soo xusnay ay yihiin kuwo aad uga waayo aragnimo yar, qaarkoodna uga aqoon iyo magac hooseeya kuwii masuuliyiintii dhiggiisa ahaa xusheen. Marka ay sidaas tahayna waxa ay abuuraysaa walaaca ah in laga baqo qabo in uu mudane Biixi garbihiisan ku gaadhi kari waayo halka uu doonayo in uu gaadhsiiyo qaranka iyo in uu wax ka qaban kari waayo saddexanka aynu xusnay oo ah nabarro imikaba dhaawac iyo dhiig bax ku ah qaranka. Gaar ahaan dhaqaalaha oo xaaladda aadka u liidatay ee uu mudane Biixi ugu yimi marka uu xilka la wareegay, ay muuqato in uu weli hoos uga sii socdo. Isku duubnidii umadda ayaa waxa iyadana saamayn ku yeelatay doorashadii madaxtooyada ee uu Madaxweyne Biixi ku guulaystay, waxaana la dareemayaa inaan weli daawo loo helin midaynta dadkii ay doorashadu kala qaybisay. Waa qodob laga sugayo madaxweynaha iyo xukuumadiisa. Siyaasaddii dibadda ee mudane Siilaanyo oo awalba la dhaliilsanaa, imikana duruufaha gobalka ku soo kordhay iyo xawaaraha dunidu hore ugu sii socotaa qasab ka dhigayaan in uu uu fiiro gaar ah u yeesho, balse ay muuqato in aanu waxba ka beddelin, taas beddelkeedana dad badani aaminsan yihiin ba in Somaliland bulshadii caalamka aanay isku sin bannaanayn. Nabadgelyada oo ah badeecadda ugu muhiimsan ee Somaliland rubuc qarni iibinaysay oo marka laga tago dagaalada xuduudka Soomaaliya ka furmay, ay dheer tahay colaadda bariga oo haba kala duwanaadaan ee, haddana labaduba wax ka qabasho u baahan. Arrimahan iyo kuwa la midka ah ee horyaalla madaxweyne Biixi ee wax ka qabashadooda oo weliba dhaqso ahi waajibka tahay, waxa ugu horreeya ee ay inoo sheegayaan waa in madaxweyne Biixi u uu baahan yahay dib u cugasho in uu ku sameeyo gacanyarayaashiisa, gaar ahaan isku habboonaanta xilalka iyo ragga xilka loo dhiibayo iyo waayo-aragnimada siyaasadeed iyo aqoonta masuuliyiinta oo muhiim ah in la tixgeliyo.
Wargayska Geeska Afrika Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|