Hay’adda ICG oo Ka digtay dagaal Mar Kale Ka qarxa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda ICG oo Ka digtay dagaal Mar Kale Ka qarxa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool
June 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN) – Hay’adda Xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group  ICG  ayaa war ay soo saartay  waxaa ay ku sheegtay in is-marin-waaga Somaliland iyo Soomaaliya uu marayo meel xun, kaddib markii labada maamul ay ciidamo hor leh soo dhoobeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Iska hor imaad dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya ayay warbixintu sheegtay in uu yeelan doono taariikh xun oo dhinaca Soomaaliya, sidoo kalena deganaansho la’aan u keenta dalka intiisa kale, waxayna ka digtay in ay markale isku soo hor fadhistaan dagaal.

Waxaa kaloo ay sheegtay Hay’adda ICG in colaadan ay dan u noqon doonto ururka Al-shabaab iyo kooxda yar hase ahaatee khatarta badan ee ISIS, si taasi looga hortago ayay dalbatay in la soo wada fadhiisto miiska wada hadalka.

Hoggaamiyeyaasha Afrika, kuwa reer Galbeedka, Hawlgalka QM ee Soomaaliya, Dowladda Itoobiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Deeq bixiyeyaasha ayay Hay’addu ka dalbatay inay talaabooyin deg deg ah qaadaan, si colaada loo baajiyo.

Hay’adda ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara dagaal daba dheeraada oo dhaxmara labada dhinac, iyadoo sanadkan 2018 lagu tilmaamay sanadkii gacan ka hadalka ugu badan uu labada dhinac.

https://youtu.be/XkGMvnn9bb0

 

COMMENTS
LINKS