|
|||||
WAJAALE NEWS
GUMARO: Waa Tix Gabay ah Oo ka Hadlaysa Qiimaha Nabada Iyo Dhibaatada Laga Dhaxlo Colaada ,Waxaana Tiriyey Saleban Cabdi Cali (Kalshaale).
June 3, 2018 - Written by Editor:GUMARO; Waa Tix Gabay ah oo ka hadlaysa qiimaha nabada iyo dhibaatada laga dhaxlo colaada. waxay soo baxday 02/06/2018, waxaana tiriyey Saleban Cabdi Cali (Kalshaale). Hal-qabsiga iyo ku socotada Tixdu waa koox Hal-abuur ah oo hawlo-nabadeyn ah u tegay Gobolka Sanaag, halkaana ka wada kulamo iyo shirar lagu heshiisiinayo Beelaha Dirirtu dhex martay ee wada degan nawaaxiga Degmada Ceel-Afweyn iyo qaybo badan oo kamida Gobolka Sanaag. Gabayga waxaan ka dirayaa Hargeysa, waxaanan u diray Sanaag iyo Golaha Hal-abuurka. Guurtida is-xilqaantee ka tegay Gobolkan aan joogo Goonyaha Hargeysa iyo Galbeed Gaadhi kaga gooshay Ee Gabiley uu Geesh ka yimi Awdal Garabkeeda Marka hore Salaan tii golboon mudane geystayda Gob intaan ku sooryeyn jirroon meel isugu geeyey Iyo tii inoo gaar ahayd gacaleyaal hooya Xigtadana gufaacada dhibcaha gacaleyaal hooya. Inkastoo Safrada aad gasheen galab baqoolkiina Weftigiinu goor hore boxoo sanqadh yaraan guuray Ujeedada u guusheen hadday gudasho buuroowday Oo uu galshada Ceel-afweyn baaqi nabad geeyay Galad eebbe weeyoo Ducuun lagu gargaaraye Waana guul Qofkii garanayaa gacan ka geystaaye. Aniguna kamaan gaabinoo doorkay maan gabine Xalay gelin-dambeedkii mar aan gam’ ka soo toosay Guddoonsada tixdaan soo godleey gocatay laabtaydu Oo Ganey iyo Gahayroow markaa geliya Diiwaanka. Guluf iyo Colaad-baa Nin ogi Boqol ka guuraaye Nabadana midkii garanayaa gaadh ku dhowrsade Gobollada Sanaag iyo Saraar taladan gaadhsiiya. Maahmaah gu’ weynoon anigu Oday ka soo gaadhay Kana mida Murtidan Guuray iyo abid gaboobaynin Godka Xarafka anigoon ka bixin aan garoocsado’e. Gaawe Dhay ah Nabad-baa sidii nolol gaboodkeeda Gunno weeye aan cidina hurin oon la goyn karine Adoo Gaajo qaba waa nimco aad soor ka gurataaye Hurdo laguma galo Guri-habaas Dhagari Gawdiidde Maahmaah kalena waxay tidhi Colaad Geesi lagu waaye. Sokeeyaha is gowracaye, dagaal Gumac ku haasaaway Goblankiyo, Gubtada aakhiree galangal Naareeda Go’doonkiyo dhitada gaamurtee Beesha kala geysa Guul-daradan Garowshiyo lahayn Qoyska kala guuray Gaas-dhagoolka, doob-guunka iyo Gaash-qaadka is goobay Gurboodkiyo, guddoonshaha is-dhalaye, haamada is gooyey Gaafkiyo Aroosyada la gubay Gabanka hiil waayey Gaariduu Walaalkeed u xidhay Asayda guud saaran! Geyaan kala Irdhoobay, Gabdhaha sebanka guur seegay Soohdimaha la kala goostay,cidlada galowgu Dhiilaabay Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye. Gardarrada, Ilmaabtida is-dilay, gulufka hoos gaadhay Nabar Caabuq hoos galay, dushiyo guudka sare dhayga Gegadii Mijiliskiyo rugtii geeshku wada joogay Geedkii Barbaartiyo Nin Qarad u ahaa goofaadhka Shaxda goobti lagu dheelayiyo golihii waaceenka Geellii la wada maali jiray, gob iyo xaalkeeda Gaadiidkii la wada dhaansan jiray gubaha Jiilaalka Gaxadhkii la wada daaqi jiray Kaynta guradeeda Gabal-dhaca Iftiinkii bedelay goortii lays dooxay Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye. Yaqiin go’a, Islaamnimada gudhan bellada loo guuxay Gefka Eebbe laga galay, Shirkiga guntiga loo faytay Wacadkii la wada galay kal hore Dhaarti lagu giijay! Inay Xadhig Ilaahoo go’iyo tahay gunnaad yaalla Ama tahay dunuub gaaxsanoo la iska goyn doono Iyaduna Xaq weeyoo garaad looma gees marine Guunyadaada oo kuu Iirmaan gu’guna Maasheeyey Abaar looma guuroo colaad waa gaday tahaye Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye. Afartaa sidii Gabadhka roob, xiin ma kaga gooyey Sumad gabaygu leeyahay Araar mowgu gabax siiyey Halkii aan gantaalaha ku wayday Xaraf anoon guurin Ma gilgilay gufaacada horaan nuxurka gaadhaaye. Afar kalena waa gabagabiyo Gobol kaloon Baantay Xasanoow wixii kaa gedmiyo waxaanad gaadhaynin Xaajadu gedaan dhow ka dheer oo la goyn karo’e Warar baa galbeed noogu yimi Maanka sii gubaye Miday labada geesood tahayba farro godbaa yaalle Gurmadkuba Shishuu kaga jiraa ceebta gudaheene Gadaafiyo ribeyn uma gabyine, waxa tibaax guuda Gacmo cadow inuu xididku galay goorti lays baadhay. Ha yeeshee gashiga taa ka yimi malaha raad goobe Halkay Caawa goobaddu ku taal amase goolkayga Gawdh-gawdhi maayee hadaan gibisha sii raaco. Gobtu nabar ku yaalleey liqdaa Gaalliyo Islaame Haddiise uu nabiib gurada jiro gacal heshiin waaye Guux iyo gu’ahano Abid hadhaa waa gubtaho taalle. Geestaada Dhuxuloow haddaan gobo’da kuu saanto Gocondhadu halkay taal amase Mililka hoos gaadhay Gujo dhalinta gulufkaa ibbaha laga gunaynaayo Gol-dalloolo huursani hadday Eel guntamay riixday Oo ay Fiixdu goofaacsatoo qaraxday goorteeda Maantaba gonday taal taladu loo gudboonyahaye. Xeer-beegtidii goyn jirtiyo guurti mudankeeda Gadh-cadaagii noo talin jiriyo adiga gaankaaga Golle dawladdeed iyo culimo gabi ahaantoodba Marka Geedka la isugu tagee gorodda lays dhaafsho Yac-yacood go’aanka lagu dhidboo maalmo gabaloola Oo berriba gabi-xoormo oon xeerar lagu gaydhin Hoosaasin inaan lagu galadin nabada Gaankeeda Maandhow Garsoorkiyo u sheeg golaha aad joogto. Beeshana midh-baan gaar u odhan labada geesoodba Gu’haad iyo Garmaajow aniga way gudboontihine Gasiin weeye taladiisu curad joogga gedahaye Ninamyahow waxaad galabsateen oo gaaxsanbaa badan’e Guulle toobada u celiya oo gacanta laalaadsha Weedhahanna goofaadhiyoo geliya Maankiina. Geesi xeradii waa nabad gambana guri Nin joogaye In garaadku taliyoo samaha Gogosha loo faydo Oo aan geeridii hore mid kale loogu godob reebin Oo aan deriska geesaha mar kale Dakhar la gaadhsiinin Ayaan gacalkayoow kaa martiyey galabkan maantaaye Alle ha idin garansiiyo oo haydin guud-furo’e Ana gabaygii waa iga dhan yahaye guule Mahadiiye. Ana gabaygii waa iga dhan yahaye guule Mahadiiye. FG: Haddii qadaf, Qallooc iyo waxoogaa ereyada fahamkoodu adkaada, Kas igama ahayne waa wax kama’ ah, waa mahadsantihihiin. Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|