|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo hambalyo Munaasibada Ciidal Fidriga awgeed u diray Shacabka Somaliland iyo Muslimiinta adduunka
June 14, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa hambalyo iyo bogaadin ku saabsan munaasibada Ciidal Fidriga awgeed u diray dhaaman umada muslimka ah iyo Shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan. Warsaxaafadeed goordhaweyd laga soo saaray xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ku leeyahay magaaladda Hargeysa ayaa u dhignaa sidan:- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Mudane Dr Abdirahmaan Mohamed Abdulaahi (Cirro) isagoo ku hadlaya magaciisa , Guddida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Waddani wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada CIIDAL FIDRIGA awgeed dhamaanba shacabiwaynaha Somaliland iyo umadda muslimiinta ah, wuxuu alle inooga rajaynayaa inuu inaga aqbalo cibaadadii bisha Ramadan, isagoo ALLE uga baryaya inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad dagdag ah siiyo, sanadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo. Related posts:Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Khilaaf Udhexeeya Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaarada Biyaha Iyo Cod Si... DAAWO ; Siyaasi/Muj Abiib Timacad Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa ka Jeediyay Xafladii Uu ku Bi... Mudane Madaxweyne Axmedow ma adigaa yidhi “Hubaal ayaa wax iga sheegtay” mise waa caadadii Mise waa ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|