|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo hambalyo Munaasibada Ciidal Fidriga awgeed u diray Shacabka Somaliland iyo Muslimiinta adduunka
June 14, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa hambalyo iyo bogaadin ku saabsan munaasibada Ciidal Fidriga awgeed u diray dhaaman umada muslimka ah iyo Shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan. Warsaxaafadeed goordhaweyd laga soo saaray xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ku leeyahay magaaladda Hargeysa ayaa u dhignaa sidan:- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Mudane Dr Abdirahmaan Mohamed Abdulaahi (Cirro) isagoo ku hadlaya magaciisa , Guddida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Waddani wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada CIIDAL FIDRIGA awgeed dhamaanba shacabiwaynaha Somaliland iyo umadda muslimiinta ah, wuxuu alle inooga rajaynayaa inuu inaga aqbalo cibaadadii bisha Ramadan, isagoo ALLE uga baryaya inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad dagdag ah siiyo, sanadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo. Related posts:DAAWO;-Dadwaynaha Reer Gabiley Oo Si Adag Uga Horyimid Geed Sun Ah Oo Shirkad Chinese Ahi Ka Beerays... Dallada Ururada Aan Dawliga Ahayn Oo Golaha Guurtidda Ugu Baaqday inay Korodhsiimada ku Saleeyaan Wa... DAAWO;-Musharax Sheekh Ibraahim Oo Kormeer Abaabul Iyo Wacyi Galin Ah Kusoo Maray Deegaanada Ay Diwa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|