Guddida Qandaraasyada Oo Durba Qaaday Jidkii Kuwii Ka Horeeyay Iyo Dareenada ka Dhashay Sida Ay Umaamuleen Tartankii Udanbeeyay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Qandaraasyada Oo Durba Qaaday Jidkii Kuwii Ka Horeeyay Iyo Dareenada ka Dhashay Sida Ay Umaamuleen Tartankii Udanbeeyay,
June 3, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Gudidda Qandaraasyada Qaranka  Ayaa Tan iyo tii la magacaabay tiraba laba jeer waxay qabteen tartan iyagoo dhawan si hoose u shaaciyay in wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidku u baahan laba gaadhi oo kala ah gaadhi xaajiyad ah iyo mid land cruser ah waxaana tartanta labadan gaadhi soo galay qaarkamida macdarada baaburta keena ee dalka .

gadiid 1

Tartankan ayaa ahaa midka duwankii hore ee ay gudidda qandaraasyadu qabatay kaasi oo tartamayaasha lagu kala xulayaynayay cida keenta baabuur buuxisa shuruudihii loo baahnaa isla markaana ugu qiimo jaban marka loo eeg Tartamayaasha.

Gudida Qandaraasyada Qaranka ayaa qorshohoodu ka duwanaa kii hore iyo tartankii Laga sugayay.

Waxaana Saaka ay ku bilaabaytay jawi ka duwan kii hore iyo wasiirka hawlaha guud iyo gaadiid oo isagu tiraba laba jeer si toosa faragalin ku sameeyay shaqadii gudida qandaraasyada qaranka isagoo ka hor inta aan la qaban tartanka uu macdarkan markii danbe ku guulasytay uu kasoo kaxaystay labadan gaadhi

Dhanka kale labada gaadhi ayaa gudida qandaraasyadu ku xulatay in ay yihiin kuwa ugu qaalisanaa gaadiidkii ay soo Bandhigeen Tartamayaasho taasi oo ka duwan Qawaaniintii gudida qandaraasyadu ay wax ku kala dooran jireen iyo shuruudihii u yaalay,halka talaaban ay ku kaceen ay tahay midka soo horjeeda.

Halkan kaga bogo Qiimaha Gadiidka ay Soo Bandhigeen Tartamayaashu Oo kala Ah Tartankii hore iyo kan shalay ee Danbe iyo sida  khaldan ee loo Maamulay,

FIIRO GAARA WARQADANI WAA TII TARTANKII HORE LAGUKALA XUSHAY GAADIIDKA

TARTANKA HORE

FIIRO GAARA WARQADANI WAA TII TARTANKII DANBE LAGU KALA XUSHAY;

TARTANKA DANBE 1

Sidoo kale gudida qandaraasyada qaranka ayaa gabi ahaanba diiday in ay warbaahinta usoo bandhigaan sidii uu dhacay tartanku iyo shuruudaha ay ku kala doorteen gaadiidkii goobta lays kugu keenay.

Inkastoo markii danbe uu masuul kamida gudida Qandaraasyadu si hoose ula hadlay Warbaahinta Dawlada ,

Sikastaba ha ahaatee gudida Qandaraasyada qaranka ayaa Durba umuuqda kuwa qaaday jidkii gudidii ka horay oo iyagu suuqa madow caadaystay islamarkaana aan marnaba qaban jirin tartan lagu kalsoonaan karo taasi oo keentay in markii uu Madaxwayne Biixi xilka la wareegay uu gabi ahaanba erayay xubnhii hore oo bulshada si waynta farta ugu godaysay, marka laga reebo agaasimaha gudida oo isagu ka hadhay qolooyinkii hore maamulka tartankii shalayna isagu gacanta ku hayay,

 

HARGAYSA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS