|
|||||
WAJAALE NEWS
Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in la Bedelay hadal uu dhawaan Yidhi
June 15, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (WJN)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in la bedelay hadal uu dhawaan sheegay oo ku saabsanaa ardayda kasoo jeeda deegaanada Puntland ee waxka barta Jaamacada Camuud waxaanu ugu baaqay dadka sidaasi qaldan u tafsiiray inay aakhiradooda u tudhaan isalamarkaana ay ka waantoobaan waxyaabaha bulshada kala fogeynaya ee aan islaamnimada iyo umadnimada midna waafaqsaneyn, eng faysal cali waraabe ayaa sheegay inuu yahay qof jecel wadajirka umada reer Somaliland barri iyo galbeedba isagoo tusaalooyiin usoo qaatay doorkii uu aabihii ku lahaa dhismaha qarakan iyo doorkii uu isagu kasoo qaatay dib u heshiisiintii SSC iyo khaatumo labada, waxaanu bulshada si cad ugu iftiimiyey in aaney jirin hadall noocaas oo uu yidhi jirina. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan isagoo arrintaas ka hadlaya“.Hadalkaygii maalintii dhawad la badalayna, horta hadalka Yuhuuda ayaa bedesha, waxaa uu ahaa reer Awdaloow inagoo intaasoo qof inala joogaan oo reer garoowe iyo reer boosaaso ah ayay 1-kiiMillion ee dadkii ay tabaaladu ku dhaceen loo uruuriyay ayay inoo quudhi waayeen, Markaa waxaan is barbar dhigayay waanaageena iyo xaasid nimadooda anugu cid hala laayo maan odhan nin nabada ka shaqeeya ayaan ahay Xaglotoosiye iyo SSC iyo Khaatumo ninkii ka shaqeeyay ayaan ahay dagaalkii Cigaal lagu qaaday dadkii ka shaqeeyay ayaan ahay nabad baanu ka shaqaynaa anagiyo aabahay nabad baanu ku suntan nahay markaa hadalkayga yaan la bedelin ilaahay halaga baqo”.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargaysa Office Related posts:Shirka Doodda Qaran: (Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh) . Qalinkii Boobe, Qormadii... Daawo:Prof. Axmed Xaaji Azari Oo Si Wayn U Naqdiyay Saldhiga Militari Ee Xukuumadu Wadan Carbeed Ka ... Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Iyo Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Oo Kulan Ka Yeeshay Arimo Abni Oo Kas... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|