Ethiopia oo laga qaaday Xaaladdii deg dega ahayd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ethiopia oo laga qaaday Xaaladdii deg dega ahayd
June 5, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (W,N)- Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta ansixiyey go’aanka ay dowladda ku qaadday xaaladdii deg degga ahayd ee dalkaas saarneyd muddo lix bilood ah, laba ka hor xilligii la qorsheeyey, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana.

Dowladda ayaa soo rogtay xaaladda deg degga ah bishii February, si ay wax uga qabato degenaansho la’aan ka dhalatay qorshe lagu ballaarinayey magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, oo dadka qaar ay u akreen in lagu qabsanayo dhulka gobolka Oromiya.

201784636374250993079778CEAF78CA-6FE5-4FB0-9AC7-71DE9BA457C9_w1023_r1_s

Xiisaddaas ayaa hogaamisay is-casilaaddii ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

Sabtidii, ayaa golaha wasiirada Ethiopia waxa uu yeeshay kulan lagu qiimeynayo xaaladda amni ee dalka, waxaana uu sheegay “In sharcigii iyo kala dambeyntii lasoo celiyey”, taasi oo dhabbaha u xaadhay codka ansixinta ee baarlamanka uu maanta sameeyey.

Abiy Ahmed, oo ah sarkaal horey uga tirsanaa ciidamada, kaasi oo xilka ra’iisl wasaare ka beddelay Hailemariam, ayaa ku safray dalka oo idil, isaga oo ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono ashtakooyinka jira, islamarkaana xoojin doona xuquuqda rayidka iyo siyaasiyiinta.

Mas’uuliyiinta ayaa ballan-qaaday inay sameyn doonaan isbeddelo dhowr ah, oo ay ku jirto in lasii daayo kumanaan maxaabiis ah.

 

VOA SOMALI

COMMENTS
LINKS