|
|||||
WAJAALE NEWS
Ethiopia oo dhul lagu murunsanaa siisay Eritrea
June 6, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (W,N)- Dowladda Ethiopia ayaa salaasadii ku dhawaaqday in ay Eritrea siin doonto dhul muddo lagu murunsanaa. Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hogaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu xukmay xuduudda kala qeybisa Eritrea iyo Ethiopia. Beesha caalamka ayaa taageertay go’aankan oo la saxeexay sanadii 2002, waxaana labada dhinac ay ogolaadeen inay u hogaansamaan xeerarka golaha xuduudaha ee QM. Hase yeeshee Ethiopia ayaa is-hortaagtay kala qeybinta xuduudda, waxaana taas ay dhalisay 16 sano oo xiisad colaadeed ah iyo dagaallo dhex-maray labada dal ee deriska ah. EPRDF ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen talaadadii uu yimid kadib markii ay dib u eegeen xaaladda Ethiopia iyo Eritrea, sidaas darteedna ay go’aansadeen in la joogteeyo nabadda dadka labada dal. Magaalada Badme oo xuddun u ahayd dagaalka labada dhinac ayaa guddiga siiyey Eritrea, waxaana sanado badan kadib ay Ethiopia hadda aqbashay in Eritrea ay qaadato magaaladaas. Dhinaca kale, dowladda Ethiopia ayaa shirkado waaaweyn oo ay dowladdu lahayd ka dhigaysa kuwa madax-bannaan, kuwaasi oo qeybo badan saamigooda laga iibin doono shirkaddo gaar ah iyo maalgashiyayaal shisheeye. Tallaabadaasi ayaa qeyb ka ah isbeddellada uu Raisul-wasaaraha cusub ku sameynayo dalkaasi. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|