|
|||||
WAJAALE NEWS
Erdogan oo mar labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalka Turkiga
June 25, 2018 - Written by Wariye:H$argaysa(wjn) :-Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi iyadoo la tiriyey codadkii doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda. Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaa boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay is-hayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7. Erdogan ayaa la xaqiijiyey inuu helay 52.5 codadka la dhiibtay oo dhan, uuna mar labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi oo ay guusha sidaas ku raacday oo aanan la aadi doonin wareeg labaad. Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen inadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixintixiyayaashaixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayeen madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga AK ee Mr Erdogan ayaa ku horreeya kuraasta baarlamaanka. Haddaba iyadoo la tiriyay boqolkiiba 99% codadkii doorashooyinka baarlamaanka, ayaa xisbiga Madaxweynaha ee AK waxay guusha ku raacday 52.5, waxaa sidaas ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP ayaa waxa uu uruursaday boqolkiiba 30.7, xisbiga Aksender wuxuu helay 7.4 boqolkiiba, halka uu xisbiga Demirtas uu helay 8.3 boqolkiiba. Related posts:DAAWO ; Culimada Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca Oo Ka Hadlay Xabaal Sheekh Oo Ku Taala Arabsiyo Oo Lagu Qab... Daawo:Muj.Maxamed Kaahin Oo U Baanay Xisbiga Wadani Kuna Sifeeyay Mid aan U Bislayn In Uu Aqbalo Nat... Madaxwaynaha Jsl Oo Wareegto Kusoo Saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay'adaha Gaar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|