Dowladda Soomaaliya oo $ 1 Milyan oo Dollar ugu Deeqday Dadkii Ay Duufaannadu Ku Dhufteen ee Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya oo $ 1 Milyan oo Dollar ugu Deeqday Dadkii Ay Duufaannadu Ku Dhufteen ee Somaliland
June 4, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka jawaabtay duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah Somaaliand iyada oo ku deeqday $1 malyan dollar oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka ay duufaantu saameysay.

Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay raiisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah Gobolada Somaliland.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lacag hal milyan oo dollor ah u qoondaysay gobollada Awdal iyo qaybo ka mid ah gobolda  Somaliland oo ka mid ah meelaha roobabka dabaylaha wata ay ku dhufteen.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS