Dalka Uganda waxa ka dhacay muddoharaado lagaga soo horjedo geerida xildhibaan Ibrahim Abiriga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Uganda waxa ka dhacay muddoharaado lagaga soo horjedo geerida xildhibaan Ibrahim Abiriga.
June 11, 2018 - Written by Wariye:

Hugandhaargeisa(WJN):-Ammaanka ayaa la xoojiyay deegaanka Arua ee waqooyiga Uganda ka dib markii Jimcihii halkaasi lagu dilay xildhibaan caan ah oo baarlamaanka dalkasi ka tirsan.

Taageerayaasha Ibrahim Abiriga ayaa burburiyay hanti islamarkana isku dayay in ay weeraraan saldhig booliisk.

Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa lagu wadaa in uu ka qaybgalo aaska Mr Abiriga maanta Isniin ah.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Axaddii isugu soo baxay garoonka magaalada Arua ee waqooyiga Uganda si ay u soo dhaweeyaan maydka xildhibaankii deegaankaasi Ibrahim Abiriga.

Waxa uu ka mid ahaa dadka sida wayn u taageera madaxwayne Yoweri Museveni.

Mr Abiriga iyo askarigii ilaalinayay ayaa lagu toogtay habeenkii Jimciha guriga xildhibaanka oo Kampala ku yaalla.

Sida ay sheegeen booliiska dalkaasi dad isu soo baxay ayaa ku dibadbaxay ilaalada xildhibaanada waxa ayna isku dayeen in ay weeraraaan saldhiga ugu wayn booliiska magaaladaasi.

Booliiska ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas si ay dibadbaxayaasha u kala ceyriyaan.

Saxafiyiinta ayaa sheegaya in dadka xildhibaanka u baroor diiqayay ay ka careysnaayeen in dowladda aysan difaacin hogaamiyahooda.

Ammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay guriga xildhibaanka la dilay iyo guud ahaan magaalada.

Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa balanqaaday in uu xoojin doono dadaalka lagaga hortagayo dambiyada.

Sanooyiinkii ugu dambeeyay waxaa dalkaasi Uganda lagu dilay dad meeqaam sare ku leh dalkaasi waxaana arrintan naxdin ka muujiyay dadka reer Uganda.

Waxaa dhawaan Uganda ka dhacay afduubyo dhowr ah taasi oo madax furasho la dalbanayay waxaan si gaar ah loo bartilmaameedsaday haweenka,

COMMENTS
LINKS