Dab xoogan oo qabsaday Hoteel ku yaal bartamaha Magaalada London | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dab xoogan oo qabsaday Hoteel ku yaal bartamaha Magaalada London
June 6, 2018 - Written by Reporter:

London (W,N)- Dab xooggan ayaa qabsaday mid kamid ah hoteellada raaxada ee ku yaal bartamaha magaalada London, todobbaad uun kadib markii dib loo cusboonaysiiyey uuna dhammaystay taariikhdiisa oo gaadhaysa 115 sano.

Holac iyo qiiq kasoo baxaya ayaa la arkayey hoteelka wayn ee lagu magacaabo Mandarin Oriental oo ku yaal xaafadda bariga London ku taal ee Knightsbridge.

Ku dhawaad 120 dadka dabka damiya ah iyo 20 matoor ayaa lageeyey halka dhacdadu ay ka dhacday ee ku taal William Street, ee magaalada London.

Sida uu sheegay afhayeen hadlay ilaa iyo hadda lama oga sababta dhalisay dabkaas.

Gawaadhida gargaarka dagdagga ah iyo Booliiska ayaa ka qayb qaadanaya xaaladda lagu daminayo dabka, sidoo kale lama soo sheegin wax dhaawac ah, sida ay sheegtay waaxda dab damiska.

Kadib markii uu dabku qabsaday dhismaha, shaqalihii ayaa loo daad gureeyey dhismaha Hyde Park, halkaas oo loogu qaybiyey caagado biyo ah.

COMMENTS
LINKS