|
|||||
WAJAALE NEWS
Dab Xoogan oo Ka Kacay Waqooyiga dalka Ingiriiska
June 27, 2018 - Written by Reporter:London (WJN)- Kooxaha dabka bakhtiiya ee waqooyiga England ayaa la tacaalaya dab xoogan oo ka kacay deegaan uu caws badan ku yaal oo u dhow magaalada Manchester. Ilaa 150 qof ayaa laga daadgureeyey guryahooda, dad goobjoog ahna waxay leeyihiin muuqaalku wuxuu u egyahay sidii “qiyaamihii”. Ololka ayaa ilaa 6 mitir cirka isku shareeray, waxaana sida roobka u soo daadanaya dambas. Saraakiisha dabdamiska ayaa waxa ay sheegayaan in cimilada oo kulul, dabaylo halkaa ka jira, waddo la’aan iyo deegaanka oo fog ay adkeeyeen in dabdamiyeyaashu ay qalabkooda iyo biyaba gaadhsiiyaan halkaas. War goor dhawayd soo dhacay wuxuu sheegayaa in milateriga loo yeedhay inay gacan ka gaystaan sidii dabkaas loo bakhtiin lahaa. Ilaa iyo hada Lama oga sababta dabka dhalisay.
Related posts:Garoonada Kubada Cagta Ee Habeenkii Lagu Ciyaaro Oo Hargaysa Ku Soo Badanay (warbixin arintasi ku sa... Daawo; Nuxurka khudbadii Salaada jimcaha ee Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim Oo Uu Kaga Hadlay Ahmi... DAAWO; Siyaasiyiinta, Wax-garadka, iyo Aqoonyahanka Beelaha Subeer Awal Ee Xisbiga WADDANI oo Cade... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|