|
|||||
WAJAALE NEWS
Dab Xoogan oo Ka Kacay Waqooyiga dalka Ingiriiska
June 27, 2018 - Written by Reporter:London (WJN)- Kooxaha dabka bakhtiiya ee waqooyiga England ayaa la tacaalaya dab xoogan oo ka kacay deegaan uu caws badan ku yaal oo u dhow magaalada Manchester. Ilaa 150 qof ayaa laga daadgureeyey guryahooda, dad goobjoog ahna waxay leeyihiin muuqaalku wuxuu u egyahay sidii “qiyaamihii”. Ololka ayaa ilaa 6 mitir cirka isku shareeray, waxaana sida roobka u soo daadanaya dambas. Saraakiisha dabdamiska ayaa waxa ay sheegayaan in cimilada oo kulul, dabaylo halkaa ka jira, waddo la’aan iyo deegaanka oo fog ay adkeeyeen in dabdamiyeyaashu ay qalabkooda iyo biyaba gaadhsiiyaan halkaas. War goor dhawayd soo dhacay wuxuu sheegayaa in milateriga loo yeedhay inay gacan ka gaystaan sidii dabkaas loo bakhtiin lahaa. Ilaa iyo hada Lama oga sababta dabka dhalisay.
Related posts:Maraykanka Oo Sheegay In Indhaha Dunidu Ay Ku Soo Jeedsan Doonaan, Sida Ay Somaliland Iyo Somaaliya ... DAAWO;-Kulan Baroor Diiq Ah Oo Magaalada Boorama Loogu Qabtay Marxuum Ibraahim Oo Kamid Ahaa Ardayda... Somaliland Oo Qorshaynaysa Sidii Dib Loogu Soo Celin Lahaa Qaxoontiga Reer Somaliland Ee Ku Sugan D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|