DAAWO; Ciidanka Dab-demiska Oo Ku Guulaystay In Ay Bullaacad Ka Soo Saaray Neef Geela Oo Ku Dhacay Magaalada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Ciidanka Dab-demiska Oo Ku Guulaystay In Ay Bullaacad Ka Soo Saaray Neef Geela Oo Ku Dhacay Magaalada Hargeysa.
June 20, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)  Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta Abaaro 1:00 Duhurnimo Gurmad u Fidiyay Neef Geela  oo Ku Dhacay Bullaacad Ku Taalla Xaafada Shacabka Ee Magaalada Hargeysa.

NEEF GEELA 3

Ciidanka Dabdemiska ayaa Dadweynaha Goobtaas joogay ku soo Wargeliyeen Yeedhmadaas, waxaana Ciidanku u Baxay Gurmadkaa waxaana isla markii Ciidanku Isticmaalay Qalabka Badbaadada ee Sallaamada iyo Xadhkaha iyo Gaadhi Wiish ah, Waxaana Muddo Kooban ciidanku Godkaas kaga soo saaray Neefkaasi kuna Guuleysteen iyadoo Hawlgalkaa Ciidanku ku soo Badbaadiyeen Orgigaa uu Hogaaminayay Taliyaha Xarunta Qaybta Labaad.

neef geela

Neefkan ayaa u daaq tagey Geed Ciina oo ka dulbaxay Bullaacadaas, waxaana kadib ay sababtay in neefkaasi uu ku dhaco godkaas maadaama uu godkaasi aad u jilicsanaa.

neef geela 2

Waxaa Muddooyinkii u dambeeyay soo badanayay Dadka iyo xoolaha ku dhacayay Musqulaha iyo Godadka iyadoo sabab ay u tahay Dhismayaasha Godad kaasi oo ah kuwo duugoobay isla markaana aan dayactir lagu samayn.

Dadweynaha Goobtaas joogay iyo Dadkii neefkaasi lahaa ayaa u mahadnaqay Ciidanka Dabdemiska ugana mahadceliyay sida dareenka biniaadanimo leh ee ciidanku uga soo saaray  neefkaas.

https://youtu.be/RbNs5haoHfk

Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL ayaa u taagan badbaado naf iyo maal waxaana ciidanku u gurmadaa masiibo kasta ama dhiilo kasta oo lagu soo wargeliyo loona baahdo in wax laga qabto.waxaana muddooyinkii u dambeeyay Ciidanka Dab-demisku Dad iyo Xoolo siyaabo kala duwan ugu baxay Xaafadaha Magaalada Hargeysa.

Gabagabadi waxaa Ciidanka Dabdemisku Dadweynaha uga digayaa inay ka Fogaadaan Goobaha Musqulaha iyo Bullaacadaha oo wakhtiyadan dambe Khatarahoodu aad u soo Bateen, sidoo kalena Xoolaha Gaar ahaan Geella Laga Saaro Magaalada.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL

Hargeysa /Somaliland

990 – Emergency Call centre

Hargeisafire@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS