Cida ka Danbaysa Fashilka Ku Yimid Wasaarada Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cida ka Danbaysa Fashilka Ku Yimid Wasaarada Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland!
June 25, 2018 - Written by Editor:

Inta Badan Bulshada Jamhuuriyada Somaliland Waxay is Waydinayaan Cida ka danbaysa fashilka ku yimid wasaarada arimaha dibada jamhuuriyada Somaliland.

Waxaynu ogsoonahay intii uu talada dalka la wareegay Madaxwayne Muuse wuxuu qaaday talabooyin ka hor imanaya diblumaasiyada caalamka, tasoo ah hadalo qalafsan kana madaxbanaan hanaanka siyaasadeed ee loo baahan yahay in caalamka lagula dhaqmo.

Madaxwayne muuse biixi cabdi wuxuu magacaabay wasiir arima dibadeed kazoo ah mid aan inaba madaxwaynaha isaga magacaabay ka dhaadhicin Karin qaabka looga baahan yahay inuu madaxwaynaha hay’adaha caalamka kula dhaqmo. Halkaa waxaa jaanis ka helay xisbiga mucaaradadiisu wayntahay ee wadani oo awood u helay inay kasbadaan indhaha hay’adaha caalamka.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaynu ogsoonahay in dowlada Somalia ay weerar laba wajahadood leh  ku soo qaaday dowlada Somaliland kazoo ah mid xaga xuduudaha ah iyo mid dhinaca hay’adaha caalamka ee soomaliland ka caawiye mashariicda horumarineed oo ay ku amartay in hay’adaha ay soo maraan dowlada Somalia.

Waxaa intaa dheer xisbiga wadani oo beesha caalamka u gudbiyay cabashadiisa ku aadan doorashada iyo tacadiga loo gaysto mas’uuliyiinta xisbiga wadani. Waxayna beesha caalamka u shegeen dhaqaalaha Somaliland lasiyo inaan sidii loogu talagalay loo isticmaalin. Waxayna ka dhaadhiciyeen hay’adaha caalamka xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne muuse in laga fiirsado dhaqaalaha dowladiisa la siiyo.

Guntii iyo gunaanaka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaa la gudboon madaxwayne muuse inuu qaado talaabo ku aadan arimaha dibada Somaliland, lana yimaado siyaasad hufan, leh kasbasho saaxibo badan.

Wasiirka arimaha dibada oo ah wasiir ku fashilmay wasarada arimaha dibadana xilka laga qaado.

Siyaasadana Somaliland eek u aadan arimaha dibada qorshe horumarineed lala yimadaa.

Qalinkii; Maxamed Cismaan Xaaji

COMMENTS
LINKS