Cali Guray Oo fashiliyay Ujeedada ka Danbaysa Dagaalka Ay Abaabulayaan Madaxda Punthland Iyo Qorshaha Uu ka leeyahay Cabdiwali Gaas. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali Guray Oo fashiliyay Ujeedada ka Danbaysa Dagaalka Ay Abaabulayaan Madaxda Punthland Iyo Qorshaha Uu ka leeyahay Cabdiwali Gaas.
June 1, 2018 - Written by Editor:

“Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli, Nin Dagaal Wax ka Og Maaha, Laakiin Wuxu Yaqaan kursiga Uu ku fadhiyo Mana Doonayo Inuu Ka Kaco”Cali Guray.

 Anigu sheekadan madaxda Puntland ay wadwadaan oo dhan markaan eegay waxan ka wadiwaayay cimri-dherarsi uu doonayo maamulka hadda joogaa in ay sii joogaan oo aan doorasho la qabanin ee muddo kordhin loo sameeyo waayo way ogyihiin Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisuba in aanay waxba u oolin hadii ay doorasho dhacdo. Waayo ma jirto sabab macquul ah oo kale. Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli, nin dagaal wax ka og maaha laakiin wuxu yaqaan kursiga uu ku fadhiyo mana doonayo inu ka kaco sida keliya uu ugu sii fadhiyi karaana waa isagoo yidhaa dalku xaalad dagaal buu ku jiraa doorashana ma geli karno. Madaxwayne xigeenka laftiisu wuu ogyahay in madane dab ugu jiro ninka bedeli doona hadii ay doorasho dhacdana wuu yaqaan markaa waa isku dan isaga Cabdiweli oo midna uu reer Gaalkacayo yahay midna reer Buuhoodle yahay oo la hubo in aan midkoodna soo noqon doonin.

gaas soodawyntii xaabsade

Tirtirsiga iyo musanawga qabyaaladaysan hadii uu si dhab ah u xisaabtamo soomaali reer afar madaxwayne leh oo soomaali dhulka ugu wayn ee dadka ugu badan taliya waxa jira reerkiisa. Inta aanu Muuse Biixi oo Somaliland ka Madaxwayne eegin muxuu u eegi waayahay Madaxwaynaha Federaalka Somaliya, Madaxwaynaha Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxwaynaha Jubbaland State iyo isaga laftiisa oo ah Madaxwaynaha Puntland. Hadii ay soomaaliyi ku heshiinayso in xuduudaha lagu saleeyo qabyaalad miyuu hubaa Cabdiweli inu intaas oo Madaxwayne reerkiisu isku heli doono mise reeraha soomaaliyeed ee kale ayuu wax u sheegayaa? Muqdisho waxa Madaxwayne ka ahaanaya Farmaajo Gaalkacayana Madaxwaynaha Galmud kama noqon karo Madaxwayne caqliga siiyay Tukeraq oo Somaliland ah in maydadka dadkiisa uu maalin kasta kaga cararo qeliba uu yidhaa yaan la ii soo qaadin u diidi maayo.

Anigu markaan soomaali eegay waxan leeyagay daarood wax aan belaayo ahayn oo ka maqani ma jirto eh yaanay iyagu u yeedh yeedhan kanna warkiisa maqlin.

MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS