|
|||||
WAJAALE NEWS
Bilayska magalada Ocampo oo dhamaan xabsiga loo taxaabay
June 25, 2018 - Written by Wariye:
Arrintan waxa ay ka dhacday magaalada Ocampo, waxaana dhacday in la diley Fernando Ángeles Juárez oo ahaa musharax u taagan xilka duqa magaalada Ocampo. Wax ka badan 100 siyaasiyiin ah ayaa lagu diley dalka Mexico, ka hor doorashooyinka 1-da July dhacaya. Askarta booliiska magaaladan ayaa ka koobnaa 27 askari, kuwaas oo dhammaantood xabsiga loo taxaabay saacadihii hore ee Axadda. Dilka musharaxa ayaa waxaa looga shakiyay xoghayaha amniga ee magaaladan, kaas oo markii ciidamadda federaalka ay soo gaareen magaalada, dambeena in ay xiraan waxaa is hor taagay booliiska. Balse saraakiisha federaalka ayaa la yimid ciidamo dheeraad ah, kadibna xabsiga u taxaabay dhammaan askartii booliiska.
Hargaysa Ofiice WAJAALENEWS. NET WARIYE ABDIQADIR HABBANE Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Go,aamo Adag kazoo Saartay Dadka Bulshada Kala Qaybinaya Iyo Arinta Ceerigaa... Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Dalku Marayo Iyo Fariinta Uu Udiray Haldoork... Maayarka Caasimada Oo Hada Raali Galin Ka Bixiyay Hadal Uu Maanta Ka Yidhi Wiil Ku Dhintay Dooxa Har... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|