Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Ku Haftay Xilka Culus Ee Wasaarada Iyo Madaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Talaabo Isbadal Ka Qaado, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Ku Haftay Xilka Culus Ee Wasaarada Iyo Madaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Talaabo Isbadal Ka Qaado,
June 21, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Mudo Haatan laga joogo lix bilood Wuxuu soo Dhisay Golihiisa Wasiirada Isagoo wasaarada waxbashada iyo Sayniska Umagacaabay wasiir iyo wasiir kuxigeen labaduba ay yihiin Qurba Joog, Wallow Wasiir faratoon Mudo dalka joogay soona qabtay xilka wasiirka wasaarada arimaha gudaha Xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Sidoo kale Madaxwayne Muuse Biixi Wuxuu Mudo gaaban ka dib Xilka Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarshada iyo sayniska Usoo magacaabay Masuul kale oo Qurba joog ah, iyadoo aynu ogsoonahay in Agaasimaha guud uu laf dhabar u yahay socod siinta Hawlaha  wasaarada taasi oo wasaarada kastaa ay guul ama guuldaro ku gaadho hadba aqoonta iyo kartida uu leeyahay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradu Kaas ah Inta Badan Mashiinka kala Haga Hawlaha Hay’adaasi Qabanayso .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbrashada Mr Maxamed Faarax Xareed ayaa xiligan umuuqda masuul ku haftay xilka wasaarada waxbarshada oo iyadu ah wasaarada ugu baaxada wayn guud ahaan wasaaradaha Somaliland ayna maamusho Tirada macalimiin kor udhaafaysa 7000 oo shaqaale Ah, kana hawlgala guud ahaan deegaanada Somaliland.

Waxaana xiligan wasaarada waxbarashada ka taagan jaho wareer shaqo iyo khilaaf udhexeeya Masuuliyiinta Wasaarada iyo Iskuulada Gaarka loo leeyahay oo qaarkood  laga joojiyay in ay ardayda wax ka barataa galaan imtixaanka shahaadiga ah oo dhawaan lafilayo in loo fadhiisto.

AGASIME IYO MUUSE

Sikastaba ha ahaatee Wasaarada Waxbarshada iyo Sayniska Somaliland ayaa xiligan tabaysa Agaasime guud oo leh aqoonta lagu maamuli karo hawlaha baaxada leh iyo sidoo kale masuul garanaya xaqiidada ka jirta Somaliland waxaana lafilayaa in Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi  talaabo deg deg ah uu  ka qaadayo   xaalada ka Taagan Wasaarada waxbarashada iyo sayniska taasi lagu Rajo wayn yahay in uu soo magacaabo agaasime guud.

Halka ay  Wararka Qaar Tibaaxeen In xilka Agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarashada loo soo magacaabayo Masuul xilka Wasiir kuxigeen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta kasoo noqday xukuumadi siilaanyo isla markaana aqoon fiican uleh kana soo bixi kara hawlaha baaxada leh ee yaala wasaarada Waxbarashada .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

COMMENTS
LINKS