|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha Oo Ugu Baaqay Dadweynaha Gobolada Saaxil, Awdal Iyo Salal Inay Digtoonaadaan Roob Dabaylo Wata O o Caawa Ku Soo Wajahan.
May 18, 2018 - Written by Editor:Hargeysa(W,N) Wasiirka horu marinta beeraha somaliland Axmed Muumin Seed ayaa digniin u jeediyey dadweynaha ku nool dhulka xeebaha. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in dabaylo xoog badan oo roobab wataa ay caawa soo gaadhi doonaan gobolka Saaxil iyo degmooyinka ku teedsan xeebta. Wasiir Axmed Muumin Seed oo bartiisa Facebook ku baahiyey qoraal uu ugu digayo dadweynaha ayaa waxa uu ku yidhi:- Anigoo jecel inaan dareenka la Wadaago kolba Xaalada jirta dadkayga aan Masuuliyada u hayo Waxaa ilaahay mahadii ah in Roobkii ka da,ee dhamaan Gobolada dalka oo dhan Roobab aad u Wanaagsan ilaa hadana Wax dhibaato ah oo na Soo Gaadhay ma jiro Laakiin Sida hada iga Soo Gaadhaysa Agaasima Waaxda Saadaasha hawada ee Wasaarada horumarinta beeraha Wuxuu ii Soo Sheegay in Caawa 12 habeenimo ay dabayshu Soo Gaadhayso Gobolka Saaxil iyo degmooyinka u dhow Habeen dambana Gobolka Salal ilaa lughaya iyo bulaxaar laga yaaba in uu u Soo Gudbo buuralayda Gobolka Awdal Sidaa darteed Waxaan uga digaynaa dhamaan dadweynaha Xeebaha Soomaaliland inay Foojignaadaan ilaahayna baryaan Waa bil Rabadaane Alaa mahad leh
Related posts:DAAWO; Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo ka Qaybgalay Xaflada Qalin Jabinta Ardayda Jaamacada Tima Cade E... War Murtiyeed Kasoo Baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Dhaqaalaha Somaliland Oo Maanta Lasoo Gabo Gab... “Waxaynu Ognahay In Madaxwaynuhu Diyaar Uyahay, In Doorashada Madaxtooyadu ku Qabsoonto Wakhtigeedii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|