Wasaaradaha Iyo Hay’addaha Madaxa-Banaan Ee Dawlada Oo La Faray Inay Guddida qandaraasyada U Gudbiyaan Hawlaha Iibinta Iyo Soo Iibinta Wixii Ka Badan $5,000 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradaha Iyo Hay’addaha Madaxa-Banaan Ee Dawlada Oo La Faray Inay Guddida qandaraasyada U Gudbiyaan Hawlaha Iibinta Iyo Soo Iibinta Wixii Ka Badan $5,000
May 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N)- Xukuumadda Somaliland ayaa amar kasoo saartay qandaraasyada wixii ka badan $5,000 (shan kun oo doolar). Wareegto uu ku saxeexan yahay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wargeliyay dhammaan wasaaraddaha iyo sidoo kale hay’addaha madax-bannaan, taasi oo lagu amrayo inay guddida qandaraasyada u gudbiyaan hawlaha iibinta iyo soo iibinta baahiyaha kala duwan.

 

Wareegtadan ayaa u dhignayd sidan;

 

“Wareegto Madaxweyne

 

Ujeedo: Qandaraasyada Dawladda

 

Mudaneyaal iyo marwooyin, sida aad la socotaan waxa guddida qandaraasyadu u xilsaaran tahay bixinta qandaraasyada ka baxaya miisaaniyada dhexe ee dawladda, dawlado kale innagu caawiyaan ama inna deymiyaanba, sida; dhismeyaasha, gaadiidka, qalabka xafiisyada, dayactirka gaadiidka, shidaalka, raashinka iyo baahiyaha kala duwan ee ciidamada (wixii aan sir ahayn).

Sidaa darteed waxaa la idin farayaa iu gudbisaan guddida qandaraasyada qaranka hawlaha iibinta iyo soo iibinta alaabaha ama baahiyaha kala duwan ee ka badan $5,000 (shan kun oo dollar).

Sidoo kale waxa la farayaa xisaabiyaha guud iyo hanti-dhawraha guud ee qaranka in ayna sii dayn kharash ka badan $5,000 (shan Kun Oo Dollar), arrintan khuseeya oo aan soo marin guddida qandaraasyada qaranka.”

Ayaa lagu yidhi wareegtadan oo uu ku saxeexnaa madaxweynaha Somaliland, Mud. Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

wareegto1

COMMENTS
LINKS