Wariyihii Kabaha Ku Tuuray Bush Oo Doorasho U Tartamaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wariyihii Kabaha Ku Tuuray Bush Oo Doorasho U Tartamaya
May 3, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Wariyihii reer Ciraaq ee kabaha ku tuuray madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush ayaa u tartamaya mid kamid ah kuraasta baarlamaanka dalka Ciraaq.

Muntader Al-Zaidi oo ku taagan xisbiga isbaddallo-doonka ee Saeroun ayaa kamid ah musharraxiin uu taageero waddadka Muqtada Sadr.

_101149892_cfd116b2-c618-4511-ad8f-b7dd07b001e2

Muntader wuxuu sheegay inuu doonayo inuu Ciraaq ka cidhibtiro musuqa oo dalkaasi ragaadiyay.

Wariye Muntader ayaa sanadkii 2008-dii kabahiisa ku tuuray madaxweynihii hore ee Mareykanka Bush xilli uu booqasho ku joogay dalkaasi.

Dadweynaha reer Ciraaq ayaa Muntader uu aqoonsaday halyeey weeraray hoggaamiye shisheeye.

Wuxuu xabsi ku jiray 12 billood, markii lasoo daayayna,waxaa la sheegay in saraakiisha ammaanka ay jidhdil u gaysteen.

Zaidi oo wariye ka ahaan jiray telefishinka Al-Baqdaadiyah, xilliggii uu weerar gaysanayay waxaa shir jaraa’id magaalada Baqdaad ku qabanayay ra’iisul wasirihii hore ee Ciraaq Nuuri Al-Maaliki iyo Bush.

Wuxuuna ku qaylinayay ” tani waa sagootin kaga timid dadweynaha Ciraaq oo ay kamid yihiin agoonta iyo dadkii lagu laayay dagaallada Ciraaq”

Markii uu xoriyaddiisa dib u helay Muntader Al-Zaidi wuxuu ka tagey shaqada warbaahinta, wuxuuna aaday qaaradda Yurub halkaaso uu ka aasaasay ha’yad gargaar oo taakulayso dhibanayaasha dagaallada Ciraaq.

Wuxuu wacad ku maray in haddii la doorto 12-ka bishan May inuu la dagaallami doono musuq maasuqa islamarkaasna uu maxkamadayn doono dadka ku takrifalayo lacagta dadweynaha.

24 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan doorsahadani, Kuraasta baarlamaanka ee lagu loolamayo ayaa gaadhaya 328, 46 kuraasta baarlamanka kamid ah waxaa iska leh Kurddiyiinta halka hal meel afartiiba loo qondeeyay haweenka.

Doorashadan toddobaadka dambe dhacayso ayaa ah tii ugu horreysay ee dalkaasi laga qabto illa xilliggii dowladda Ciraaq ay shaaca ka qaaday in dhulal badan ay kala wareegtay kooxda IS bishii Disembar.

 

 

COMMENTS
LINKS