War Deg Deg Ah ;Xukuumada Oo La Sheegay In Ay Joojisay Xuskii Marxuum Cigaal Oo Maalinta Bari ah Ku Beegan Iyo Munaasibadii Magaalada Berbera, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah ;Xukuumada Oo La Sheegay In Ay Joojisay Xuskii Marxuum Cigaal Oo Maalinta Bari ah Ku Beegan Iyo Munaasibadii Magaalada Berbera,
May 2, 2018 - Written by Editor:

Berbera (W,N) Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Ayaa la Sheegay in ay Soo Saartay Amar lagu Joojinayo xaflad lagu Xusayay Maalintii uu Geeriyooday Madaxwaynihii Dhidibada u taagay Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Oo ku Beegan Maalinta Bari ah,

Wararka Aanu ka helay Arintan lagu joojiyay Xuska 03may Ee Magaalada Bebera ayaa la sheegay In uu  kasoo baxday Amarkani Wasaarada arimaha gudaha taasi oo badhasaabka gobolka saaxil lagu wargalinayo  in uu gabi ahaanba joojiyo  Munaasibadan Loogu baroordiiqayay marxuum cigaal.

cigaal

Macada sobobta Rasmiga ah ee  keentay joojinta xuska geeridii madaxwayne cigaal oo sanad walba si wayn loogu qaban jiray gobolada somaliland , halka qayb laxaadle ay ka qaadan jireen xukuumadihii ka horeeyay tan uu Madaxwayne Biixi Hogaamiyo,

Dhanka kale Wararka Naga soo gaadhaya Magaalada berbera ayaa sheegaya in   bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka saaxil ay siwayn ugu diyaar garoobeen xuska iyadoo Talaabadan lagu joojiyay laga cabi qabo in ay kacdoono balaadhan ka abuurto magaalada berbera,

Awaamiirta lagu    joojinayo xuskan  ayaa  la sheegay in uu soo saaray  wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed , wallow aanan wali helin qoraalkan kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha,

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS