Waftigii Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Soo Gaadhey Magaalada Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waftigii Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Soo Gaadhey Magaalada Berbera
May 4, 2018 - Written by Reporter:

Berbera (W,N):- Waftigii uu hogaaminayay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo maalmihii ugu danbeeyey safar ku maraayey gobalada dalka ayaa waxaa uu soo gaadhey xarunta gobalka Saaxil ee Berbera .

Gudoomiyaha Xalay 4 habeen nimo ka soo baxay magaalada Ceerigaabo ayaa ujeedka safarkiisu uu ahaa sidii uu bulshada ku dhaqan gobalada Somaliland uga mahad celiyo codkii ay xisbiga Waddani siiyeen wakhtigii doorashada madaxtooyada.

 

Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa uu caawa ilaa galabta uu kulamo kala gadisan gudaha magaalada Berbera kula yeelan doona masiilyiinta xisbiga isaga oo isla markaana caawa ka qeyb gali doona xaflad balaadhan oo uu khudbad ugu jeedin doono reer Berbera .

COMMENTS
LINKS