|
|||||
WAJAALE NEWS
Wadamada Muslimka Ah Oo Isku Raacay In Ramadaantu Bilaabanayso Maalinta Khamiista Ah
May 15, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N)– Inta badan wadamada Muslimka ah oo ay ku jiraan Sacudiga iyo Indonesia ayaa sheegay in maalinta Arbacada oo Barri ku beegan la buuxin doono 30ka bisha Shacbaan. Dowladaha warka soo saaray ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17ka bishan May uu ka bilaabanayo Ramadaan. Waxaa ka mid ah dowladdaha isku raacay go’aankan Saudi Arabia, Indonesia, Jordan, Ciraaq, Malaysia,Bahrain, Lebanon iyo dowladdo kale. Sidoo kale qaar ka mid ah Ururrada islaamiga ee ka dhisan dalalka aan Muslimka aheyn ayaa iyaguna war ay soo saareen ku sheegay in maalinta Khamiista ah ay ka bilaabaneyso bisha Ramadaan. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|