“Waa Markii Ugu Horaysay” .. W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waa Markii Ugu Horaysay” .. W/Q: Cali Cabdi Coomay
May 3, 2018 - Written by Reporter:

Cudurkani markii hore wuxuu ku koobnaa siyaasiyiinta balse wuxuu haatan ku fiday bulshada qaybaheeda kala duwan, oo masuul kastaa oo xil ka qabta

Waa nooc ka mid ah cudurada ku cusub soomaalida ku dhaqan geeska afrika ama Soomaalilaan. Cudurkan la yidhaa WAA MARKII UGU HORAYSAY waxa lagu arkay markii koowaad meel ka mid ah Hargaysa iyo Burco sannadkii 2010. Dhinaca siyaasiyiinta Soomaalilaan wuxuu cudurkani ku dhacay dhawr siyaasi oo wakhtigaasi xilal hayey, kuwaasi oo markay meel dhagax dhigayaan markaba ay afkooda ka soo baxaysay astaanta koowaad ee lagu garto cudurka, oo ah ‘waa markii ugu horaysay ee halkan la dhagax dhigo’. Mana aha markii ugu horaysay ee dhawr jeer ayaa la dhagax dhigay, hasayeeshee cudurka ayaa uga dhigay markii ugu horaysay.

Cudurkani markii hore wuxuu ku koobnaa siyaasiyiinta balse wuxuu haatan ku fiday bulshada qaybaheeda kala duwan, oo masuul kastaa oo xil ka qabta shirkadi, wuxuu lagu arkayaa calaamadaha uu xannuunkani leeyahay. Cudurkani wuxuu beri dhawayd ka dillaacay jaamacadda Hargaysa, ka dib markii qaar ka mid ah masuuliyiinta jaamacadu ay ku gefeen taariikhdii ardaydii saxaafadda ka qalinqabisay ee ahayd dufcadii ugu horaysay ee dhamaysata waxbarashada heerka koowaad sannadkii 2009. Masuuliyiintaasi waxa ay yidhaaheen iyaga oo warbaahinta ka hadlayaa waa markii ugu horaysay ee jaamacadda Hargaysa saxaafadda laga dhigo.

Maxaa Sababa Cudurka

Xannuunkan waxa keena ama sababa waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin:

= Markuu cusub yahay (Acute) waxa keena bakteeriya ili ma qabatay, ah oo aan hore loogu arki Karin shaybaadhka.

= Cuqdad uu masuulku ka qaado wax-qabadka kii ka horeeyey, oo ku dadaalo sidii uu ciida ugu rogi lahaa.

= Markuu raago cudurkani (Chronic) waxa keena nooca fayriska la yidhaa’ HZ15’ oo aanu qaban shaybaadhka afrika yaalla, hasayeeshee dalalka shisheeye ayaa loo baahdaa in loo qaado.

= Waxa kale oo keenta xaasaasiyad maqaarka sare ah oo uu masuulku ka dareemo markuu arko taariikhda fiican ee kii ka horeeyey leeyahay.

= Shuban, mararka qaarkood masuulku dareemo, markuu aasaayo wanaagii kii ka horeeyey lahaa.

Calaamadaha Lagu Garto

Waxa jira calaamado badan oo uu xannuunkani leeyahay, waxaana ka mid ah:

= Cuqdad ay weheliso hunqaaco markuu xusuusto kartida masuulkii ka horeeyey

= Madax xannuun ay la socoto inuu caydhiyo shaqaalaha uu ka dareemo inay xidhiidh fiican la leeyihiin kii ka horeeyey

= Xumad iyo harraad qabta, markuu maqlo magaca kii uu xilka kala wareegay

= Afka oo qalal iyo garaaca wadnaha oo kor-u-kaca, markuu indhaha ka qaado, qofkii uu xilka kala wareegay

= Laab-dillaac uu ka qaado araga shakhsigii uu xilka kala wareegay

= Jidhiidhico ku timaada markuu xoghayntiisa ku arko waraaqo uu saxeexay kii ka horeeyey.

Ka Hortagida Xannuunka

= Inuu Ilaahay ka baryo inuu ka badbaadiyo xasadka, xinka iyo xiqdiga uu shaydaanku qalbiga qofka geliyo.

= Inuu ka fogaado dadka xannuunkani hore ugu dhacay ama ku cusub yahay, xittaa aanu la sheekaysan kuwa la daaqa ee sheeko wadaagta ay yihiin, si aanu ugu faahfin cudurku.

= Markuu isku arko calaamadaha cudurkani leeyahay waa inuu si dhakhso ah u akhristaa ducooyiinka ku soo arooray xasadka, xinka, cuqdada iyo wixii la hal-maala.

Daaweyntiisa

= Waa in Qur’aan lagu akhriyo maalintii saddex jeer

= In la dhigo waadh cisbitaal oo maalintii lagu mudo laba irbadood oo ah “ Anti-Xaasidnimo”. Habeenkii iyo aroortii (2×3).

= Hal sharoobo oo habeenkii la siiyo laba milqaacadood oo ka daaweysa yalaalugada ay cuqdadu keento.

= 30 xabbo oo ah kaabsoolka bi’iya mataga, markuu xusuusto wax-qabadkii masuulkii ka horeeyey, waana saddexda wakhti (1×3) cuntada ka dib.

= 15 xabbo oo ah xannuun bi’iye oo ka daaweynaya dawakhaada markay qalbigiisa soo gasho xaasidnimadu. Waana habeenkii iyo aroortii (2×3).

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS