Waa Markii U horeysay ee 18 May La bedelo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Markii U horeysay ee 18 May La bedelo!!
May 5, 2018 - Written by Reporter:

Somaliland waa Qaran Madaxbanaanidiisa la soo noqday 18 May 1991 ,kadib halgan muddo socday oo naf iyo maal ba loo soo huray. Maalintaa 18 may na waa maalin ku astaysan oo qaranka qiimo weyn ugu fadhida qaranimada Somaliland ku suntan , iyada oo sanad walbana la xuso oo 26 sanadood ee ina dhaafay ba lasoo xusaayey . dhinaca kalena waa maalin qaran oo dastuuri ah oo ku xusan Dastuurka iyo Xeerarka qarankani leeyahay. Dastuurka Somaliland Qodobkiisa kowaad iyo Xeerka shaqaalaharayidka ahba ku xusan.

 

Haddaba, Xubno lagu magacaabay gudiga qaban-qaabada Xuska 18 may 2018 ayaa sheegay inay bedeleen maalintaa oo ay ka dhigeen 15 May, balse awood ma u leeyihiin inay talaabadaa qaadan iyada oo ay tahay maalin masiiri ah oo qaranimo ?

 

Waxay sabab ka dhigeen inay kusoo hagaagtay Ramadaan oo ciidanka oo sooman ayay ku adkaanaysaa dhoolatuska ay samaynayaan, oo haddii maalin ramadaana cadowgu ina soo weeraro maxaa la yeeli doonaa?

Dalkan ramadaano ayaa lasoo xoreeyey xaqa markaad ku socotana Alle waa kuugu gargaarayaa soomkaa la sooman yahay , hadii aanad macsiyo ugu talo galin maalintaana 18 may …..! waxaanan leeyahay hadalkaa iyo qiilkaa aad cuska teen maaha wax ummada u cuntamaya waxaanad gasheen dambi qaran iyo qiyaamo qaran. Nin aan saaxibo nahay oo Ethiopia ka yimid ayaa waxa uu iisheegay markii ay maqleen shacabka kasoo jeeda degaanadaasi ay u qaadan waayeen sida dhayalka ah ee loo bedelay maalintii inagu waynayd, waxa kamid ahaa hadaladoodii; “Hadii ay bedeleen 18 May way soo dabcayaan oo waxaa ku xigta inay tirtiraan maalintaa “ ana waxaan leeyahay haddii shakhsiyaad koobani tan oo kale ku talaabsadeen dalku waxa uu u baahan yahay gurmad degdeg ah oo lagu badbaadinaayo Qaranimada dhiiga badani kusoo daatay.

 

Haddii ay Xukuumadii Siilaanyo Caan ku ahayd Waa Markii u horeysay ee aynu Soomaaliya wada hadal nay !!!! Xukuumadan Biixina Waa markii u horeysay ee Maalintii Qaranimada la bedelo!!

 

Wabilahi tawfiq

 

Cabdirasaaq Askar

 

Hargeysa,Somaliland

COMMENTS
LINKS