Tiro Lagu Qiyaaso Sideed Qof Oo Ku Dhintay Dooxa Qabri Baxar Ee Deegaanka Lug Haya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tiro Lagu Qiyaaso Sideed Qof Oo Ku Dhintay Dooxa Qabri Baxar Ee Deegaanka Lug Haya.
May 20, 2018 - Written by Wariye:

Roobki dabaylaha xoogan ee dufaanka ah watay eek a da,ay xeebta galbeed ee Somaliland ayaa khasaare nafeed iyo maaliyadeed,ba u gaysrtay Degaamada xeebta inta u dhaxaysa lughaya , ceelsheekh,ilaa bulaxaar Tiraba 8 qof ayaa maydkooda laga hellay dooxa Qabri Baxar sida ay warbaahinta u  xaqiijiyeen dad ka qaybgalay baadi Goobka Khasaarihii Duufaanku gaystay.
Dhanka Kalena Khasaare Maaliyadeed oo baaxad leh, aya dhacay, kumanaan neef oo xoolaha kala duwan ah , Adhigu ha u badnadee ayaa daadku qaaday oo bada ku daray, sida aay noo sheegeen dad ganacstada xoolaha ah oo ku sugan jiida lowyacado u dhow.
Wuxuu warku Kusii daray Intaa in Degaamadaa xeebta galbeed ee lughaya ilaa bulaxar aany jirin wax isgaadhsiin ah oo shaqaynaya, dhirtii xididka ayuu u saaray duufaankani, dhismayaal badan ayaa dumay, xiligan wali go,doon ayaay ku jiraan degaamadaa xeebta ku yaala oo wali gurmadkii loo diray waay ku adkaatay in aay guadaha u galaan xeebta hoose.
Waxaa kale oo warrku intaa ku darayaan in badu kor u kacday 7- 8mtr, isla markaana guuxii ka baxaayay xoolihii aaga ka dhowaa dideen, kadibna Roob wata dabalylo xoogani aay garaaceen lughaya ilaa ceelsheekh taasoo sababtay khasaare lxaadleh,

biyaha badu waxay soo gaadheen fatahaadoodii ilaa 2500 oo talaabo xaga beriga ah meelaha qaarna jooga biyuhu waxaay gaadheen misigta qofka caadiga ah.
Dabcana xaalada aya iminka u Muuqata in Roobku istaagay, laakiin loo baahan yahay gurmad deg deg ah oo degaamadaasi la gaadhsiiyo

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS