|
|||||
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
May 4, 2018 - Written by Reporter:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Yuusuf (Dhabbuuke) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/05/2018, magaalada Burco. Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsi yadaynayaa geeridaasi wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaad, Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|