Sucuudiga Oo Sheegay In Uu Fashiliyay Weerar Lagu Soo Qaadey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sucuudiga Oo Sheegay In Uu Fashiliyay Weerar Lagu Soo Qaadey.
May 27, 2018 - Written by Wariye:

sucuudigaRiyadh (WJN):- Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ee
dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegaya in ay fashiliyeen
weerar la doonayay in lagu fuliyo diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn
meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee ku taalla Koonfurta dalka Sucuudiga.
yaman

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso saacado uun kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ee dalka Yaman
ay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ay ku qaadeen garoonkaasi, arrintaa
oo sida ay sheegeen carqaladeysay duulimaadyo dhawr ah.
Isbahaysigan uu Sucuudiga hoggaamiyo ayaa beeniyay in hawlaha garoonkaasi ay istaageen
balse xog laga helay qeybta diyaaradaha laga hago ayaa sheegeysa in muddo kooban duulimaadyada dib loo dhigay.
Fallaagada Xuutiyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay aad u kordhiyay tirada sawaariikhda ay ku ridayaan gudaha Sucuudiga.
Dowladda Sucuudiga ayaa ku adkeysanaysa in dowladda Iiraan oo taageerto Xuutiyiinta Yaman ay tahay in ay qaadato mas’uuliyadda weeraradaasi.

Hargeisa Ofice
Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS