Somaliland Iyo Soomaaliya Waxa U Xeera Waxii Aduunyada Kalena U Xeera Ee La Isla Qaatay Ee Yaala | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Soomaaliya Waxa U Xeera Waxii Aduunyada Kalena U Xeera Ee La Isla Qaatay Ee Yaala
May 31, 2018 - Written by Reporter:

Taariikhda somalida inta la og yahay waxa ay ahaayeen dad dagaal u jooga, isla markaana xalka nolosha ka raadiya in la kala adkaado hadii ay tahay wakhtigii ay geela kala dhacayeen iyo maanta oo dawlado la yahay.

ilaa imika inta taariikhda laga og yahay somalidu waxa ay isku maamuli jirtey nidaam dhaqan oo leh soohdimo qabiil intii ka horeysay 1884kii,iyada oo hadana la wada daaqo marba meeshii biyo iyo baad leh, maadaama oo aynu aheyn dad xoolo dhaqato ah oo reer guuraa ah.

Waxa jirey dagaalo beeleedyo ka dhici jirey xoolo la kala qaado, iyo dhulka biyaha leh ee sida ceelasha iyo harooyinka , kuwaasi oo ka bilaabmi jirey xoolo biyo loo diidey iyo harooyin,balayo iyo ceelal la kala sheegtay oo la isku hooban jirey.

Dadka somalidu guud ahaan waa dad dagaal yahan ah oo wada mitid ah, inta badan ma dhacdo ama lama arag qabiilo kala adkaaday oo qaar la gumeystay , hadana waa la isku faani jirey oo la isku gabyi jirey iyada oo qolo waliba guulo sheeganaysa.

Haddaba markii la soo gaadhay 1884kii markii gumeystayaashii reer yurub qaybsadeen Africa, waxa bilaabmay dagaalo ka duwan kuwii hore kuwaasi oo u badnaa dagaaladii gobanimo doonka iyo xornimada Somaliland iyo Somalia ba iyaga oo laba dawladood kala joogeen labadaa dal.

Reer yurub markii ay Berlin 1884kii ku heshiiyeen in ay qabsadaan oo qaybsadaan afrika oo ahayd qaarad dihin dadkeeduna aad u dambeeyaan xaga ilbaxnimada iyo aqoonta ayaa waxa ay u sameeyeen xuduudo, xuduudahaasi waa kuwa ilaa maanta ka shaqeeya dunida ee markii gobanimada la helayna loo aqoonsadey xuduudo qaramada kala xadeeya.

Xuduudahaasi may aheyn xuduudo qabiil oo inta ugu badan qabiil walba waxa uu kala dagan yahay laba dal iyo waxii ka badan, waa laga yaabaa in dhinac bato ama dalka kale ay ka raacaan dad koobani, si kasta oo ay ahaydba waxa somalida loo qaybiyey shan qaybood oo markii dambe noqdey 5 dal midba inta ay doonaan ha ka ahaadaane.

Waxa kale oo aan tusaale u soo qaadaneynaa dadka Canfarta ah ee inagula nool bariga Afrika gumeystayaashu waxa ay u qaybiyeen ama uu dadkoodii kala raacay 3dal oo afrika ah oo ay laba hore dal isugu ahaayeen, waa Ethiopia, Erateria iyo Djibouti.

Taariikhda waxa ka dambaysay 1884kii lagu dagaalamin inta ugu badan xuduudo qabaail ama qoomiyadood ee dagaaladu waxa ay isku badeleen qaar xuduudo qaramo iyo awoodo maamul dawladnimo lagu dagaalamo, dagaaladaasi waxa ay dhex mareen wadamo badan oo afrikan ah oo gobanimada ka dib isku darsadey hadana ku heshiin waayey midowgii.

Waxaana Tusaale u ah Ethiopia iyo Erateria iyo Somaliland iyo Somalia iyo qaar badan oo kale oo ay u cuntami wayday midnimadii ay la midoobeen dalalka kale iyaga oo waliba 99℅ dalalkaasi dadka ku nooli ahaa isku isir ama ay u badan yihiinba hal qawmiyad.

Somaliland waxa ay xornimada ka qaadatey dawladii ingiriiska ee haysatay 26 Jun 1960kii, halka ay Somalia xornimada ka qaadatey dawladii talyaaniga ee haysatay 1 July 1960kii, markaasi oo ay Somaliland iyo Somalia sameysteen midow loogu magac daray jamhuuriyada Somalia iyada oo qorshuhu ahaa in ay somalida 5dal u qaybsani hal dawlad noqdaan, wakhtigaa waliba dareenka qofka somaliga ahi meel kasta oo uu joogo waa laga midaysnaa rabitaanka midnimo 5 somaliyeed.

1961kii ayey dadkii reer Somaliland dareemeen in ay ku hungoobeen midnimadii iyo wax isku darsigii ay la sameysteen somalia, mudo 20 sanadood ah ayey isku dayayeen bal in ay gudaha jamhuuriyada Somalia wax ka saxaan, markii ay arkeen ayaa 1981kii 06 April dalka ingiriiska lagaga dhaqaaqay ururkii SNM oo waliba ay jireen rag hore uga samray midnimada oo talaabay todobaatanadii.

Wakhtigaasi oo ay SNM qaadatey in ay dagaal rasmiya oo hubaysan la gasho kalidii taliyihii mucangaga ahaa ee Maxamed Siad Barre iyo Regimekii arxanka darnaa ee uu hogaaminayey, waxaana ay 1988 kii 28,29,30, iyo 31 may iyaga oo hubaysan soo galeen dalka gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Hargeisa oo ay caawa ku beegan tahay habeenkii ay SNM Hargeisa ka dhex hilaacday.

Waxa uu nuxurka qoraalkani yahay maamul goboleedka Puntland iyo dawlada federalka Somalia waxa ay Somaliland kula dagaalamayaan ee ugu soo duuleen waa raadin xuduudo qabiil oo ay isku soo kaashadeen, taasina waa mid aan suurtoobeyn.

 

Tusaaleyaal kooban

Qabiilka: Sheekh Isaxaaq waxa uu dagan yahay dalalka Ethiopia,Somaliland,Djiboti iwm.

Qabiilka: Ciise waxa uu dagan yahay Djibouti,somaliland iyo Ethiopia

Qabiilka: samaroon iyo qabaailka kale ee somaliduna waa la wada mid

Qabiilka: Daarood waxa ay degta Somaliland, Somalia,ethiopia iyo Kenya miyey suuragal tahay in ay hal meel isugu yimaadaan ama midnimadii in 5 somaliyeed la isku keeno ayaa dhicisowday oo laga quustay 1961kii mise waa midnimo qabiilka intaa kala degen.

Harti oo Daarood ahi waxa uu degen yahay Somaliland, somalia iyo Ethiopia

Dagaalka Tuka-raq ka socda waxa ay Puntland ku doodeysaa oo ay leedahay sidee dad Harti ah oo aanu walaalo nahay Somaliland u noqdaan taasina waxa ay gef iyo xad gudub iyo meel ka dhac ku tahay dadka reer Somaliland ee sool,sanaagbari iyo buuhoodle oo jooga dalkoogii Somaliland ee ilaahay ku abuurey, ahaana dadkii hormoodka ka ahaa gobanimo doonkii xornimada 1960kii iyo tii dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland 1991kii.

Ma laga yaabaa in ay Puntland iyo Somalia weeraraan Ethiopia iyo Kenya oo labadaba ay degen yihiin dad ay isku qabiil yihiin? Waa suuragal hadii aan maanta dunidu wax ka qaban gardarooyinka iyo dagaalka qaawan ee lagu soo qaadey xuduudka Somaliland.

Waxaana ayaan darro kale ah in xalka iyo wadahadalkii uu sadexdii qarni ee ugu dambeeyey somali loo arko xoog, dagaal iyo qori caaradii oo ay mandaqadan geeska afrika caan ku noqotey, waxa tusaale kuugu filan in aanay taasi xal iyo caqliyad saliim ah aheyn xoogii iyo amarkutaagleyntii cabudhintii iyo cagajugleyntii dawladii kalitaliska aheyd ee jamhuuriyadii Somalia dhaxalkeedii waa muuqdaa.

Waxa ceeb ah in maanta tolaayeey loogu talo galay in cuqdad iyo colaad lagu galiyo dadka sool,sanaag iyo buuhoodle ee calankoogii iyo ciidoodii oo aanay cidna u daba fadhiyin jooga Garowe iyo Muqdisho oo uu aan dan u wadine in ay dab galiyaan Somaliland u soo badheedhay, waana taariikh xumo iyo boog loo sameynayo dadka reer Puntland ee aanu walaalaha nahay hadaanay maanta iska garan.

Nabad gelyo ayaa waxwalba ka wanaagsan, iyo in darisnimo,iskaashi iyo wax istar lagu wada noolaado, dagaalka dadkeena ayuun baa ku dhamaan doona Somaliland iyo Somalia ba .

 

Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS