Siyaasi Buubaa Oo Soo Bandhigay Sirta Ka Danbeysa Dagaalka Tukaraq | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Buubaa Oo Soo Bandhigay Sirta Ka Danbeysa Dagaalka Tukaraq
May 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N)- Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay sirta dhabta ah ee ka danbaysa Colaada Deegaanka Tukaraq waxaana uu sheegay in colaada Maamulka Puntland hurinayso aanay ahayn mid lagu waxyeelaynayo Somaliland balse ay tahay mid dhaawac u gaysanaysa Soomaaliya.

Dhinaca kale Siyaasi Buubaa ayaa ka hadlay colaadaha soo noq noqonaya ee ka taagan Deegaanka Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag isagoo sheegay in Xukuumada Somaliland aanay daacad ka ahayn dagaalkaasi waxaanu uu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjaro islamarkaana la baadho Cida markasta kicinaysa Colaadaas.

 

Halkan hoose ka daawo muqaalka

 

COMMENTS
LINKS