Shirkii Horumarinta Ganacsiga Dowladda Japan Iyo Dalalka Afrika Oo La Soo Gabagabeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Horumarinta Ganacsiga Dowladda Japan Iyo Dalalka Afrika Oo La Soo Gabagabeeyay
May 5, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka wadamada Africa iyo Japan oo looga hadlayey  horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.

 

Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qayb galaya wasiir dawlaha arrimaha dibadda Cabdiqaadir Axmed khayr iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Africa, kana faa’iidaystaan maalgashiga Japan.

 

Wafdiga wasiir dawlaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay Wasiir ku xigenka wasaaradda arrimaha dibadda Japan, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga gaarka ah ee labada dal ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa.

COMMENTS
LINKS