|
|||||
WAJAALE NEWS
Shir Looga Hadlayo Iskaashiga Dhaqaalaha Ee Dalalka Afrika Oo Ka Furmay Koonfur Afrika
May 4, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N) –Shir looga hadlayo Iskaashiga Dhaqaalaha ee Dalalka Afrika ayaa waxa uu ka furmay Dalka Koonfur Afrika, Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Shiinahu ayaa waxaa ka qeybgalay madax iyo ganacsato ka socotay dalalka ku yaal qaaradda Afrika, ayadoo dal walba uu soo bandhigi doono wax soo saarkiisa iyo kheyraadka uu eebbe ku maneystay. Shirka ayaa waxaa daahfuray madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Criral Ramaphosa, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madax ka socotay dowladaha Afrika, wasiirro ka socday dalka Shiinaha, madax ka socota ururrada caalamiga ah, shirkadaha ugu waaweyn ee dhanka ganacsiga Shiinaha iyo kuwa qaaradda Afrika.
Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.
Shirkan oo inta uu socday looga hadli doono arima badan oo ku saabsan sidii dowladda Japan iyo dalalka ku yaal qaaradda Afrika ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca dhaqaalaha, waxaana lagu wadaa in shirka lasoo gabagabeeyay maalinta berito ah. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|