Qof Ku Dhintay Roobab Dabaylo Wata Oo Berbera Ku Dhuftay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qof Ku Dhintay Roobab Dabaylo Wata Oo Berbera Ku Dhuftay
May 19, 2018 - Written by Reporter:

Berbera (W,N)- Wararka ka imaanaya Magaalada Berbera ayaa waxa ay sheegayaan in roobab dabaylo wata oo ka dhashay duufaankii ku dhuftay xeebaha Badda Cas, ay xalay saqdii dhexe ku dhufatay magaalada Berbera.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera xarunta u tahay, Axmed Cismaan Xasan, ayaa sheegay in hal qof ku dhintay guri ku dumay, isla markaana ay ka daadgureeyeen guryahoodii 950 qof oo haatan ku sugan dugisyada xaafadaha Berbera.

Roobab laxaad leh oo daadad ku soo rogay dooxyada ayaa jiidahaasi ka da’aya, waxaana hadda go’an wadada isku xidha Berbera iyo Bullaxaar.

 

Khasaare kale lama soo sheegin ilaa hadda. Madaxa qaybta saadaasha hawada ee wasaaradda beeraha Somaliland Cabdiqani Yuusuf Cabdi ayaa sheegay in roobabkan dabaylaha wataa ay maanta gelinka danbe ku wajahanyihiin deegaanada xeebta ee lughaya ilaa Saylac.

COMMENTS
LINKS