|
|||||
WAJAALE NEWS
Qodobo Adag Oo Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Maanta
May 3, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Kal-fadhigii kow iyo tobnaad (11-aad) ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu qabsoomay hoolka shirarka ee golaha wasiirrada, waxana lagu lafo-guray arrimo badan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka Somaliland. Kal-fadhigan oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa si baaxad leh loogaga dooday arrimo door ah oo ku saabsan hawlaha qaran ee goluhu u xilsaaran yahay iyo ka midho-dhalinta himilada guud ee qaranku leeyahay. Ugu dambayntii waxa kulanka laga soo saaray saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas nuxurkoodu ahaa sidatan: 1.Waxa guddi loo saaray hirgelinta Barnaamijka Shaqo-qaran oo kamid ahaa tiirarkii muhiimka ahaa ee Barnaamij-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE ku galay doorashooyinkii madaxtinimo ee qabsoomay sanadkii dhammaaday ee 2017-kii, kuwaas oo soo qorshayn doona qaabkii loo hirgelin lahaa mashruucaas, si muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland loogu jiheeyo horumarinta dalkooda, loona gaadho isku filnaansho, waxana ay guddidani kala yihiin, Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Maaliyadda, Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, Waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faro-toon), Shaqo-gelinta iyo arrimaha Bulshada, Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle. 2.In hay’adaha laga leeyahay dalka Soomaaliya aanay wax mashruuc ah ka fulin Karin dalka Jamhuuriyadda Somaliland gudihiisa, isla markaana aanay ka hawlgeli karin. 3.In wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhiggu ka hawlgalaan la dagaallanka aafada Tahriibta, iyada oo cidkasta ku hawllan aafadaasna sharciga la marin doono.
Related posts:Diyaarad Ay Lahaayeen Milateriga Itoobiya oo Ku Burburtay Duleedka Magaalada Addis Ababa iyo Tirada ... Safarkii Madaxwayne Siilaanyo Ee Gobolada Bari Iyo Mooganaanta Xukuumada Ee Abaarta Ba'an Ee Dalka ... Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga Ee Telesom Oo Abaal-marino Bixisay, Daah furteyna Adeega Cusub Ee T... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|