|
|||||
WAJAALE NEWS
Qiso Aad Umuhiima Oo la Turjumay Oo ku Anfaci Doonta Bisharamadan W.Q Kaptanka.
May 24, 2018 - Written by Editor:Markaan dhinto ma murugoon doono muhiimadana ma saari doono jidhkayga baaliyoobay walaaladayda muslimiinta ah ayaa qaban doona waxa ku waajibka ah : 1.waxay iga saari doonaan maryahayga
3.way i kanfi doonaan 4.Gurigayga bay iga saari doonaan 5.waxay ii qaadi doonaan gurigayga cusub (Qabriga)
ayagoo qaar badani ay yihiin maalina qaar aan ka fikirin inay ii nasteexeeyaan .
furahaygii gaadhiga …… shandadaydii …. kabahaygii … maryahaygii …. Taas oo ehelkayga sadaqayn doonaan si ay ii anfacdo . u fiirsada aduunyada iima murugoon doonto mana joogsan doonto dhaqdhaqaaqi caalamka dhaqaalihii wuu sii socon doonaa shaqadaydiina waxaa iman doona qayrkey si uu uqabto xoolahaygiina waxay u tagi doonaan ayagoo xalaal u ah dadkii dhaxlayay . waxa ugu horeeya ee iga dhici doona wuxu noqon doonaa magacayga sida daraadeed markaan dhinto waxa lay odhan doonaa (maydka) magacaygana iiguma yeedhi doonaan !!! markay doonayaan inay igu tukadaan oo ay soo diyaariyaan jinaasadayda iiguma yeedhi doonaan magacayga .. markay damcaan inay i aasaan waxay odhanayaan soo dhaweeya maydka .. magacaygana iiguma yeedhi doonaan . sidaa daraadeed waxba iima tarayo nasabkaygii iyo qabiilkaygii waxbana iima tarayo booskii aan lahaa umada dhexdeeda iyo caan nimadaydii . maxaa ka macna yar aduunyada oo maxaa ka wayn waxa inagu soo waajahan …. hadaba kaagan nool ee qoraalka aqrinayoow waxaad ogaataa cida kuu murugoonaysa waxay noqon doonaan sedex nooc :
waxay murugoon doonaan ehelkaagu wiigag , bil , laba bilood ama sanad. intaa kadib waxay ku dhigi doonaan qaybta xasuusta !!!! way dhamaatay sheekadaadi dadka dhexdiisa waxaa bilaamay sheekadaadi dhabta ahayd waa aakhiro . waxaa kaa suulay oo kaa dhamaaday :
2.maalkaagii 3.caafimaadkaagi 4.caruurtaadii 5.guryahaagii iyo fooqyadaadii 6.Guurkaagii iyo xaaskaagii
kumana hadhin ilaa camalkaagii mooyaane . waxaa kuu bilaamatay noloshaadii dhabta ahayd suaasha hadaba taala waxay tahay : maxaad u diyaarsatay qabrigaaga iyo aakhiradaada hadda??? Tani waa xaqiiqo u baahan in loo fiirsado…… sidaa daraadeed ku dadaal :
waxa laga yaabaa inaad badbaado . saacadaha aad xasuusiso dadka qoraalkan adigoo nool waxaay ku gu reebi doontaa raad misaankaaga maalinka qiyaame idamka allah …
ilahay wuxu dhahay waani waanada waxay anfacaysa dadka iimaanka laga helay ( وذكر فإن الذكرى تنفع المؤمنين ) muxuu u doortaa qofka maydka sadaqada hadii lagu soo celin lahaa aduunyada ? siduu ilaahay inoo sheegay : rabigayoow hadii dib laygu dhigo mudo yar wxaan la bixi lahaa sadaqo ( رب لولا أخرتني إلى أجل قريب فأصدق ) muu odhan : aan cimraysto aan salaad tukado ama aan soomo culimadu wxay dhahaan sadaqada muu xusin ilaa arinkeeda oo wayn mooyee wuxu arkay raadka wayn ee ay leedahay markuu dhintay kadib hadaba badiya sadaqada waxyaabaha ugu fadliga badan wxaad sadaqadaysato hada 10 ilbidhiqsi oo wakhtigaaga ka mida sii si aad u faafiso hadalkan adigoo u niyaysanaya waaninta walaalahaga kale .. Kalmada wanaagsani waa sadaqo ??By Qoraa Reer kuwayt ah ayaa wuxuu qoray intuuna dhiman ka hor : Xigasho…. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|