Nin Walba Geedkuu Beerto Ayuu Midhihiisa Cunayaa. Muuse Biixi Wuxuu Beertay Qabyaalad! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin Walba Geedkuu Beerto Ayuu Midhihiisa Cunayaa. Muuse Biixi Wuxuu Beertay Qabyaalad!
May 29, 2018 - Written by Editor:

Nin Walba Geedkuu Beerto Ayuu Midhihiisa Cunayaa. Muuse Biixi Wuxuu Beertay Qabyaalad Kursigana Wuxuu ku yimid Tollaay, Tollaay, yaa Subeer Awalaay. Wuxuu dadka u geystay cidi uma geysan, dadka siduu u qaybiyeyna cidi uma qaybin. Suldaan Xasan Hargeysa wuxuu ka yidhi ” Sacad Muuse ma kaco hadduu kacana ma fadhiisto”

m. tarabi

Suldaan Cune wuxuu yidhi ” Garxajis ma kaco hadduu kacana ma fadhiisto”

Waa waddadii Muuse wax innagu cusub maaha.

Muuse Biixi waligay maan salaamin isku reer Hargeysa iyo Shacabkana waannu ahayn waxaan u salaami waayey waxaan arkay in calooshiisa malaxi ka buuxdo sidaas baan uga durkay.

Dalka annagaa leh, annagaa ku dhimannay Balligubadle kumanaan soo qayilin Herer iyo Diridhabana caruuruhu nooguma korin. Maantana annagaa difaacanayna inshaa Allaahu.

 

Waxaa Qoray:- Maxamed Aadan Tarabbi

 

COMMENTS
LINKS