Maydadka Toddobo Qof Oo Laga Helay Guri Ku Yaalla Dalka Australia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maydadka Toddobo Qof Oo Laga Helay Guri Ku Yaalla Dalka Australia
May 11, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N)- Ugu yaraan Toddobo ruux oo mayd ah ayaa laga helay dhisme ku yaalla cidhifka Galbeed ee Dalka Australia, sida ay booliisku sheegeen.

Maydadka afar carruur ah iyo saddex ruux oo kale ayaa laga helay magaalada Osmington oo 280km kaga beegan koonfurta magaalad Perth Jimcahan.

_101275241_e3b17791-b4af-41cf-a8d5-f7381696c3ed

Masuuliyiinta ayaan ka hadlin sida ay dadkaasi u dhinteen balse waxay xaqiijiyeen in laba qori lagu arkay goobta uu dhibkaasi ka dhacay.

Ma jirto halis kale oo ay bulshadu ka baqaan, ayuu yidhi booliisku, mana aysan xaqiijinin in qof maydadka ka mid ah uu dadka laayay ka dibna uu is dilay.

Labo mayd oo qaangaadh ah ayaa ayaa laga helay daaradda shan mayd oo kalana waxaa laga helay gudaha dhismaha, sida uu sheegay taliyaha booliiska Galbeedka Australia ama WA.

“Waxay u muuqataa in xabbad ay ku taallo jidhka maydadka, balse ma rabo in aan wax intaas ka badan ka sheego.”

Haddii la xaqiijiyo wuxuu noqon doonaa dil wadareedkii ugu xumaa ee Australia ka dhaca tan iyo xasuuqii Tasmania ee galaaftay nolosha 35ka ruux taariikhdu markay ahayd 1996.

 

COMMENTS
LINKS