|
|||||
WAJAALE NEWS
“Maxkamaddii Gobolka Ee Shanta Sanadood Xukuntay Markaan Eegay Waxaan leeyahay Boqorku Muu Helin Cadaaladd”Cali Guray.
May 6, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali guray” ayaa markii uhoraysay ka hadlay Xukunkii lagu riday boqor cismaan Buur madow oo kamida madaxdhaqameedka Somaliland isla markaana dhawaan ay maxkmada gobolka maroodi jeex ku xuntay shan sano oo xadhiga kaasi oo buuq siyaasadeed ka abuuray gobolada bariga Somaliland iyo beesha uu kasoo jeedo boqor buur madow, Cali Guray oo Qoraal uu arintaasi kaga hadlayo ku baahiyay Barta uu ku leeyahay Xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa wuxu udhignaa sidam; “ Maxkamaddii Gobolka ee shanta sanadood xukuntay markaan eegay anigu waxan leeyahay Boqorku muu helin cadaalad ahe bal hadda rafcaanka la sheegayona aan eegno. Anigu hogaamiye-dhawameedka Somaliland in xad loo yeelo ma diidani waayo xuduud walba way dhaafeen laakiin sidii loo maareeyay arinta Buur Madow waxan qabaa waxay sii xumaysay mooyee wax ay wanaajisay in aanay jirin. Taladaydu markii ugu horeysayba waxay ahayd Boqorku wuu gefay waxa lagu leeyahay raaligelin iyo inu balan qaado in gefkan aanu mar dambe geli doonin hadii uu galana talaabo adag laga qaadi doono. Laakiin waan qabaa waana loo baahan yahay in hogaamiye-dhaqameedka Somaliland guud ahaan arinkooda la galo oo xad loo yeelo, gaar ahaan kuwa magacyada badan ee kala duwan iskala baxa wax ka reebban iyo wax ka xaaraansanina aanu jirin. CALI GURAY Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|