|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Sii Kordhinaya Cadaadiska Cunaqabataynta Iiraan
May 11, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N)- Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay lix qof iyo saddex sharikadood oo ay sheegtay in ay xidhiidh la leeyihiin ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan (IRGC). Xoghaya maaliyadda Steven Mnuchin ayaa sheegay in cunaqabataynta lala eegtay qolyaha malaayiinta dollar siiya kooxdaan, si loogu fuliyo hawlaheeda baabi’inta ah. Bangiga dhexe ee Iiraan ayaa sidoo kale lagu eedeeyey in uu gacan ka siiyo kooxda ilaalada kacaanka islaamiga ah ee IIraan in ay helaan doolarka Maraykanka. Waaxda maaliyadda ee Maraykanku ma aysan magacaabin shakhsiyaadka la cunaqabateeyey, balse waxay sheegtay in dhammaantood ay yihiin dad u dhashay Iiraan. Tallaabadan ayaa looga mamnuucayaa shakhsiyaad iyo sharikada Maraykanka in ay xidhiidh ganacsi la yeeshaan kooxahan la cunaqabateeyey, ayadoo dawladda isutagga Imaaratka Carabtu ay gacan ka gaysanayso arrintaan.
Dawladda Iiraan iyo bangigeeda dhexe waxay sixun u adeegsanayaan in ay galaangal u yeeshaan sharikado ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta si ay u helaan doolarka Maraykanka oo ay ku maalgaliyaan hawlaha ujeedooyinka xun leh ee ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan, taas oo ay kamid tahay in lagu maalgaliyo kooxo gobolka qalalaaso ka sameeya. Related posts:DAAWO;-Jabhadii Col Caare Iyo Tiknikadii Ay Wateen Oo Si Rasmi Ugu Biiray Ciidanka Qaranka Jsl. Daallo Airlins Oo Dad Reer Somaliland Oo Ku Xanibnaa Dalka Turiga Kasoo Dajisay Garoonka Diyaaradaha... DAAWO ; Suldaanka Beesha Akisho Oo Maanta Lagu Caleemo Saaray Deegaanka Goray Oo Katirsan Gobolka G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|