“Madaxwaynaha Waxaa Looga Fadhiyaa, In Golaha Wakiilada Oo Maanta Aanay Jirin Wax Kale Oo Lagu Sheegi Karo Oon Ahayn Dhibaato Qaran Inuu Xal u Helo”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxwaynaha Waxaa Looga Fadhiyaa, In Golaha Wakiilada Oo Maanta Aanay Jirin Wax Kale Oo Lagu Sheegi Karo Oon Ahayn Dhibaato Qaran Inuu Xal u Helo”Cali Guray.
May 8, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Siyaasi Mujaahid   Cali Maxamed Yuusuf  (Cali guray) oo kamida madaxda sare ee xisbi xaakimka kulmiye ayaa dhaliilo culus usoo jeediyay golaha wakilda oo mudo dheer fadhiyay kuraasta golaha isla markaana  aan wali samay xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha badalay ayaa madaxwaynaha Somaliland fariin la xidhiidha xalka golaha udiray.

Golaha-Wakiillada

Isagoo muj cali barta uu kuleyahay xidhiidhka bulshada ku baahiyay qoraal uu arintaasi kaga hadlayo wuxuna udhignaa sidan;

“Aqalka Wakiilada Waxa u yaal hawl keliya. Laba hawlood Maaha waa mid keliya. Taasina waa Xeerkii lagu dooran lahaa xildhibaanadii iyaga bedeli lahaa. Laakiin waa la ogyahay oo Diyaar uma aha caqligooda waxay u fadhiyaan in aan xeer cusubna la helin kii horena ay ku andacoodaan hal mar buu ahaa oo lagu geli maayo. Xukuumadii hore ee Kulmiye way u Suurtagashay laakiin ma filayo inay tanna marsiin doonaan. Xildhibaan kasta oo shan sanadood la doortay mid iyo ka badan baa sugayay inu la tartamo marka muddo xileedkiisu dhamaato. Shantii iyo shan kaleba way sugeen shantii sedexaad baa dhadhaw inta in ka badan hadii laga ogolaado oo malin ay ku darsadaan xiliga loo mudeeyay Somaliland iyo dimuqraadiyadeedi iyo hankii ay ummadani lahaydba 82 shakhsi oo ka mid ah afarta milyan ee Somaliland ay barkumataal ka dhigay iyadoo la daawanayo oo indhaheenu shan yihiin.

cali guray

Hadaba Madaxwaynaha waxaa looga fadhiyaa in golahan oo maanta aanay jirin wax kale oo lagu sheegi karo oon ahayn dhibaato qaran inu xal u helo. Marka ay danta qaranku mudnaanta koobaad tahay iyaga fudud doorashona indhahooda oo shan ah ayay qabsoomi haddii Alleh yidhaa wakhtigii loo cayimay. Inta ka horaysa hadii mushaharkooda inay iska sii qaataan loo ogolaado waa inay abaal ku qabaan hadii ay diidan sidaa mushaharkana waa in laga joojiyaa waayo qaranka shan sanadood ayuun bay xaq ugu lahaayeen inta kale ey qaadanayeenba dheeraad bay ku ahayd. Hadda anigu ma qabo in baarlamankani uu dhibaatada xal ka noqon karo waayo dhibaatada lafteeda ayaa iyaga ah

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

COMMENTS
LINKS