Madaxwaynaha jsl Oo Kulan Aan la Shaacin Qasriga Madaxtooyada Kula Yeeshay Xaglatoosiye Iyo Waxa Uudaarnaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Kulan Aan la Shaacin Qasriga Madaxtooyada Kula Yeeshay Xaglatoosiye Iyo Waxa Uudaarnaa!
May 29, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)  Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga Madaxtooyadda kulan kula yeeshay wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye  sidda ay Noo xaqiijiyeen ilo Xogogaal ah oo  laga helayo Qasriga madaxtooyada Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan hawl wadneenada Madaxtooyaddu.

Musse-Bihi-iyo xaglotoosiye

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye oo   muddooyinkii u dambeeyay  khilaaf xooggani ka dhaxeeyay isla markaana uu Dr Xaglatoosiye  dhawr jeer warbaahinta ka dhaliilay ayaan si cad loo ogayn waxa ay ka wada hadleen,

Halka wararka qaar sheegayaan in madaxwayne biixi usoo bandhigay xaglatoosiye in uu wax kala qabto hawlaha ka socda gobolka sool iyo dagaalka udhaxeeya Somaliland iyo maamulka somaliya oo dagaal mudoba laba jeer ku dhexmaray deegaanka tukaraq,

Iyadoo lafilayo in madaxwayne biixi xil deg deg ah umagacaabo Dr Xaglatoosiye ,

Wariyeyaal ka tirsan xafiiska warbaahinta ee Madaxtooyadda ayaa saaka faafiyay sawirro muujinaya wasiirkii hore ee wasaaradda Caafimaadka oo ku sugan gudaha xarunta Madaxtooyadda Somaliland.

Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye ayaa maalmihii udanbeeyay qarkamida warbaahintu faafiyeen in u damacsan yahay gabi ahaanba in uu ka tago Somaliland isla markaana uu usii jeedo dhinaca maamulka somaliya  arrintaaasi oo  a shaki wayn ku abuurtay bulshada reer Somaliland .

Dr Xagla toosiye ayaa kamida siyaasiyiinta ugu saamaynta badan kuwa kasoo jeeda gobolka sool iyadoo intii Somaliland Uu joogay  saamayn isbadal ku yeeshay gobolka sool iyo magalada buuhoodle una soo gacan galiyay Somaliland wallow xiligan ay ka jirto xaalad cakiran oo ka duwan tii hore

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS